Axmed I. Samatar Oo Sheegay Inuu Ka Tashanayo Siyaasadda Somaliland, Haddii Laga Saaray Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye

0
721

 

USA (Geeska) – Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Aqoonyahannada reer Somaliland ee ka qayb-qaatay Ololihii doorashada ee Xisbul-xaakimka Kulmiye ayaa ka hadlay Marxaladda dalku marayo, Shirweynihii Xisbiga Kulmiye iyo Geerida Cali Khaliif Galaydh.

Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu si gaar ah diiradda u saaray sida loogu baahan yahay in Xukuumadda Somaliland heshiiskii ay la gashay Kooxdii Khaatumo ee uu Madaxda u ahaa Allaah ha u naxariistee Cali Khaliif Galaydh, Doodda Saami-qaybsiga ee reer Awdal iyo arrimo la xidhiidha in laga saaray Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Samatar oo u warramay Telefiishanka Bulsho oo uu Wargeyska Geeska Afrika Warkan ka soo xigtay ayaa ugu horrayn ka hadlay heshiiskii ay wada-galeen Xukuumadda Somaliland iyo Khaatumo, kaasi oo uu fulintiisa uu Hargeysa muddo dheer u joogay Cali Khaliif Galaydh, waxaanu ku taliyey in si deg-deg ah loo fuliyo heshiiskaasi “Cali Khaliif Galaydh wuu i tusay Qodobbada uu doonayey in wax laga qabto ee ka soo baxaya heshiiskii la wada-galay, markaa arrintu imika waxay hor-taallaa Dawladda Somaliland ee Hargeysa fadhida ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi siday yeelayso iyo siday wax uga qabanayso, laakiin Somaliland baahi weyn bay u qabtaa in degmada Khaatumo arrinteeda si Qurux leh oo deeqsinimo ku jirto oo Walaalnimo iyo Wada-jir ah deg-deg loogu dhameeyo oo aanay sii jiitamin, Calina ta lagu xusi karo ee lagu Maamuusi karo Magaciisii, Sharaftiisa iyo Taariikhda uu ka tagayna waa arrintaa khaatumo oo deg-deg loo dhameeyo iyadoo Raalli laga yahay, dabadeedna Waddanka oo isku duubani uu galo shaqada Horumarka.”

Samatar oo la waydiiyey halkuu ku dambeeyay Barnaamij uu qayb ka ahaa oo la baxay ‘Somaliland la wada leeyahay’ ayaa ku jawaabay “Jawaabta aan ka bixiyey su’aashaasi waxay ahayd ‘Haa…waalla wada leeyahay Somaliland’, laakiin arrimo badan oo qabyo ah ayaa jira, arrimaha Qabyada ah waxa ka mid ah in Aqalka hoose ee Baarlamaanka (Golaha Wakiillada) dib loo shaadheeyo oo sida loo qaybinayaa noqoto mid intan ka sii Wanaagsan oo Dadku ay Raalli ka noqdaan, khaasatan Dadka ku nool bariga iyo Galbeedka Somaliland. Dalalka Adduunkana ma jiro Waddan Taariikhda mar keliya ka wada jawaaba oo aan su’aalo dambe la iska waydiin.”

Axmed Ismaaciil Samatar waxa kale oo uu ka hadlay Doodda Saami-qaybsiga ee Reer Awdal, waxaanu sheegay in dooddaasi tahay mid Xaq ah “Doodda ka soo baxaysa Awdal waa mid aad u culus oo Miisaan leh, waxaan qabaa inay tahay mid Gar ku joogta, haddana Daan iyo Carabka wax iskaga dhawi ma jiraan oo kuwaa is ag-jiifa, haddana marmar bay is qaniinaan, laakiin ma kala tagaan, Dadka reer Awdal-na waxaan ku qabaa kalsooni ah inay yihiin Dad aad iyo aad Lexejeclo uga qaba Somaliland, Magaalada Boorama waa halkii lagu dhisay, markaa iyaga laftoodu Abaal-gud bay u baahan yihiin.” Ayuu yidhim waxaanu intaa ku daray oo uu ka jawaabay su’aal laga waydiiyey waxa uu kala socdo in laga saaray Golaha dhexe ee KULMIYE “Waxaan isku haystaa inaan weli Golihii dhexe ee Xisbiga Kulmiye ku jiro, wax isbeddelay oo la ii soo sheegayna ma jiro, Waayo? Aniga Liiskaasi (Liiska cusub ee Golaha dhexe) ima soo gaadhin, haddiise uu Xisbigu sidaas ku tashaday (in la iga saaro Xubnaha Golaha dhexe) oo Xisbigu Dad kale oo cusub uu samaystay Dadka Xisbiga Madaxda u ah ayay Taasi u taallaa, laakiin Liiskaa maan arag.”

Samatar wuxuu sheegay haddii uu jiro Warka sheegaya in laga saaray Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye uu ka tashan doono siyaasadda Somaliland “Aniguna siyaasadda Somaliland, halkaa marayo iyo haddaan ku sii dhex jirayo waan ka tashan doonaa, laakiin illaa hadda Wax war ah oo ah inaan Xisbigii ku jiro iyo in aanaan ku jirin Golihiisa dhexe ima soo gaadhin.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office