Ma Ogtahay Cilmiga Aynu Buugaagta Sida Fudud Uga Helno In Ay Jiraan Halyeeyo Naftooda U Sadqeeyey?

0
275

Perran Ros oo ah saynisyahan ku xeeldheer cilmiga xasharaadka oo u dhashay dalka Ustareeliya ayaa gacantiisa u dhigay kumannaan kaneeco ah oo qaniinaya, si uu u gaadho natiijada cilmibaadhis uu ku waday xal u helidda ka takhalusidda Fayraska loo yaqaanno xumadda Dengue oo ay kaneecadu gudbiso.

Xeeldheeraha oo ka tirsan jaamacadda ‘Melbourne’ ee dalka Ustareeliya ayaa tallaabadan qaaday kaddib tijaabo uu sannado badan soo waday, oo uu doonayey in xal kama dambays ah lagaga gaadho xaaladda gudbinta xanuunkan.

Perran Ros oo ka hadlayey xanuunka ka soo gaadhay tijaabadan uu sameeyey oo indhaha dunida soo jiidatay ayaa sheegay in marmarka qaarkood ay qaniinyada kaneecadu aad u kululaayeen, gaar ahaan marka ay micida la hesho halka saxda ah, laakiin inta badan ay qaniinyadu ahayd iska hafeef yar oo keliya. Sida uu hadalka u dhigay. Isaga oo intaas ku daray in qaniinyada kaddib uu u baahanayey in uu gacanta xoqo, laakiin haddana uu taas ka hortegey oo markii uu gacanta ka soo saaray qafiska kaneecada laga buuxiyey in uu iska ilalaiyo xoqitaanka, si aanay dhibaato maqaarka ugu iman.

Ma’aha markii ugu horreysay ee uu saynisyahankani sameeyo tijaabo indhaha dadka soo jeedisay, bishii Meey ee isla sannadkan ayaa ay ahayd markii uu faafiyey sawir laga qaaday xilli uu baadhis ku waday isla kaneecada iyo qaniinyadeeda si u uu ogaado qiyaasta dhiigga ay celcelis ahaan qofka maalintii ka jiqi karto. Perran Ros oo sawirkaas hore ka hadlayey ayaa sheegay in jidhkiisa uu u dhigay qaniinyada in ka badan 5 kun oo xabbo kaneecada dheddig ah, laakiin isku darka dhiigga ay ka nuuqtay uu ahaa 16 Mililitir oo keliya.

Muuqaalladan oo uu saynisyahanku ku faafiyey boggiisa shabakadda Twitter ka waxa uu ku sheegay in uu u kuurgalay qaniinyada kumannaan kaneeco ah oo uu arkayey iyada oo dhiigga ka nuugaysa dhudhunka gacnatiisa, taas uu ku sheegay isku day uu doonayey in uu fahmo sida ay kaneecadu u qaadi karto Fayraska dhaliya xanuunkan.

Xumadda Dengue ee uu Saynisyahanku xalka u raadinayaa waa Fayras nooca dhiigfuranka gudaha ah keena oo ay kaneecadu isaga gudbiso dadka, kaddib marka qof qaba oo ay qaniintay inta ay ka qaaddo ay ku beeri karto dhiigga qof kale oo ay qaniintay oo marka hore badqabay. Fayraska Dengue si isku mid ah ayaa uu ugu dhacaa carruurta naasnuugga ah, carruurta yaryar iyo dadka qaangaadhka ah, laakiin qofka uu ku dhacaa si toos ah dadka kale uma qaadsiin karo. Xanuunka Dengue waxa uu sannad kasta adduunyada ku dilaa dad lagu qiyaasayo 25 kun oo qof.

Mashruuca cilmi ee uu xeeldheerahan wado aya la sheegayaa in uu ku guulaystay in gobalka Queensland ee woqoouoga Ustareeliya uu markii ugu horreysya muddo boqol sano ah ka cidhibtiray xumaddan. Mashruucan ayaa ah in malaayiin kaneeco ah la dhaqo laguna beero bakteeriyada oo aan aadamaya waxba yeelayn, kaddibna laga sii daayo bannaanka, taas oo si dadban dadka uga tallaalaysa xanuunka.