Habka Ugu Fiican Ee Aad Jidhkaaga Uga Caawin Karto In Uu Iska Difaaco Xanuunnada Xilliga Jiilaalka

0
710

Picture10Hargeysa (Geeska)- Iyada oo aynu la soconno in maalmihii u dambeeyey ay xaaladda cimilo ee Somaliland iyo guud ahaanba dunidu isu sii beddelayso qabow maadaama oo aynu hore ugu sii soconno xilliga jiilaalka ee qabowga caanka ku ah, isla markaana aynu ognahay in qabowgu uu wato juuc-juuc, badan iyo xanuunno ay ka mid yihiin hargab iyo lafa xanuun, ayaa uu wargeyskan Geeska Afrika doorbiday in uu maanta kharistayaashiisa la wadaago talooyin jidhka ka caawinaya in uu iska difaaco xanuunnadaas oo dhowaan lagu daabacay degelka The Times of India.

Taladan uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay waxa ay si gaar ah farta ugu fiiqaysaa saddex Faytamiiin oo jidhku xilligan u baahan yahay, kuwaas oo aanu qofku u baahnayn in uu kiniin ama dawo ahaan u qaato balse ay tahay in uu qaato cuntooyinka ay ku jiraan oo dabcan qaarkood laga helo dalkeenna.

Faytamiin C: Faytamiin C waxa uu xoojiyaa awoodda is-difaac ee jidhka waxa aanu ka ilaaliyaa caabuqa ay ka mid yihiin qabowga, hargabka iyo qufaca oo aad loogu yaqaanno xilliga jiilaalka. Haddaba khubaradu waxa ay ku talinayaan in xilligan oo kale aynu ku dadaalno qaadashada Faytamiin C oo aynu ka heli karno cuntooyinka ay ka mid yihiin, Khudradaha kala ah, Liin macaanta iyo Liin dhanaantu.

Faytamiin D: Faytamiin D caadi ahaan sannadka oo dhan waxaa si fudud looga heli karaa qorraxda oo la isu yara dhigo. Faytamiin D oo joogto aynu ugu baahannay waxa ay baahidiisu sii xoogaysanaysaa xilliga jiilaalka, maadaama oo u usi weyn u caawiyo lafaha iyo xaglaha oo ah meelaha ugu badan ee qofka laga helo xilliga qabowga. Sidoo kale dadka hore u qabay xanuunnada la xidhiidha lafaha iyo xaglaha ayaa lagula taliyaa in ay xilliga qabowga aad u cunaan cuntooyinka hodanka ku ah Faytamiin D.

Khubarada caafimaadku waxa ay ku taliyaan in qof kasta oo da’diisu ay ka yar tahay 70 sano ay u fiican tahay in uu subax kasta qorraxda isu dhigo 30 daqiiqo. Qorraxda ayaana ah isha ugu fiican ee Faytamiinkan laga helo.

Faytamiin E: Faytamiin E waxa uu u fiican yahay dhismaha maqaarka, waxa aanay culimada caafimaadku aad ugu celceliyaan in uu faa’idooyin badan u leeyahay dubka. Haddaba Faytamiinkan waxaa si aad ah looga helaa hilibka, iyo kalluunka, sidoo kale waxaa laga helaa geedka Xamarta loo yaqaanno oo qani ku ah Faytamiin E.

Faytamiinno isku jira: Waxa ay khubarada caafimaadku xaqiijiyeen in ay jiraan Faytamiinno isku-dhafan sida Faytamiin B Complex oo ah Faytamiinno isu dhamaystiran oo ka kooban B1 iyo B12 kuwaas oo muhiim u ah caafimaadka jidhka ee xilliga Jiilaalka, iyo sidoo kale Faytamiin B6 oo maqaarka ka caawiya in uu jilicsanaado sida xariirta, isla markaana ka hortaga caabuqa maqaarka, iyo dil-dillaaca debnaha oo inta badan xilliga qabowga la arko.

Khubarada caafimaadku waa ay xaqiijiyeen in Faytamiinkan laga heli karo busbaaska akhtarka ah, beedka iyo kalluunka.

Ugu dambayntii culimada caafimaadku waxa ay ku talinayaan in qof kastaa uu xilliga jiilaalka Faytamiinnadan raadsado oo haddii uu sabab uun u heli kari waayo cuntooyinka ay ku jiraan ama qaarkood ay fiican tahay in uu qaato dawooyinka Faytamiinnadanah,laakiin ay marka hore muhiim tahayin uu la tashado dhakhtar.

Digniin:Geeska Afrika marnaba kuma talinayo in qofku qaato dawo aanu dhakhtar u qorin, xitaa haddii ay tahay dawooyinka Faytamiinnada iyo Kaar-jebinta. Waxaaanu ku baraarugsan yahay in iska qaadashada dawadu ay ka mid tahay sababaha dhibaatooyinka ugu waaweyn ee soo waajaha caafimaadka qofka.