Habka Aad Iskaga Ilaalin Karto Caafimaad Darrada Nafsiga Iyo Jidhka Ah Ee Ka Dhalata Shaqada Badan (2)

0
1136

 

Cunto caafimaad qabta cun

Cunista cuntooyinka ay ku badan yihiin faytamiinnada, macdanaha iyo curiyeyaasha lidka ku ah sunta cuntada ka dhalataa waxa ay faa’iido badan u leedahay caafimaadka nafsiga ah, waxa ay dhistaa niyadda waxa aanay xoojisaa caafimaadka jidhka.

Dadka shaqadu ku badan tahay, ee xilliyada cuntadu ka khalkhalaan ama mararma qaarkood haleeli waaya waxaa lagula talinayaa in ay cunaan cuntooyinka fudud ee caafimaadka aan dhibta ku keenayn, waxaa ka mid ah kimista iyo dufanka lawska ka samaysan ee cuntooyinka fudud lagu darsado gaar ahaan waqtiyada firaaqada. Biyo badan oo u uqofku cabbo iyo in uu ka dheeraado cuntooyinka degdega loo sameeyo ee dufanka leh, sida biisada, beergarrada iwm. Daraasado kala duwan oo lagu sameeyey cuntada waxaa lagu ogaaday in cuntada ugu fiican caafimaad ahaan ay tahay cuntada guriga lagu sameeyo.

Cabsi iyo sakati

Naftu waxa ay u baahan tahay in ay marmar ka nasato shaqada. Ku dadaal in aad yeelato fasaxyo yaryar iyo waqtiyo aad nasasho fiican ka qaadato shaqada. Fasaxa iyo in aad shaqada muddo ka nasataa, waxa ay kaa ilaalinaysaa warwarka, diiqadda iyo sakatiga.

Haddii fasax sannadeed aanad lahayn ku dadaal in fasaxaaga toddobaadka aad nasasho fiican ku qaadato. Labada maalmood ee fasaxa toddobaadka booqo meelo cusub. Waxa aad shaqada ku soo noqon adiga oo dareemayaa nolol iyo firfircooni cusub oo maskaxda gashay.

Ka bax xayndaabka

Sababaha ugu badan ee diiqadda iyo culayska nafsiga ah qofka ku keena waxaa ka mid ah in qofku uu xayndaab gaar ah noloshiisa ku xidho. Shaqo joogto ah oo isku mid ah waqtigaaga oo dhan ha ku qaadan. Waa in aad heshaa waqti aad qabato waxa aad adigu xiisayso. Wax-akhrisku waa ka mid. Ka shaqaynta hal-xiidhalayaasha ayaa la mid ah. waxa ay maskaxdu ka heshaa farxad, waxa ay furfurtaa dabeecadda qofka waxa aanay gelisaa dareen kalsooni ah. Dhammaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here