15 Faa’iido Oo Aad Ka Helayso 15 Daqiiqo Oo Socod Ha Maalin Kasta (Qaybta:1aad)

0
993

 

Faa’iidooyinka laga helo socodku kuma koobna miisaan dhimista oo keiya, balse waxa ay sida oo kale wanaajisaa dabeecadda iyo dad la dhaqanka qofka, waxa ay yaraysaa sakatiga iyo xaaladaha nafsiga ah, waxa aanay xoojisaa hal-abuurka. Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa  faa’iidooyinka kale ee laga helo 15-daqiiqo oo uu qofku joogteeyo in uu socdo.

  1. Farxad: Socodku waxa uu wanaajiyaa xaaladda nafsiga ah ee qofka iyo dabeecaddiisa, gaar ahaan marak halka la lugaynayaa ay tahay guriga dibaddiisa ama meel hawada u furan. Tijaabooyin muddo saddex sano ah lagu samaynayey faa’iidooyinka caafimaad ee socodka ku jira ayaa lagu ogaaday qofka toddobaadkii sameeya 150 daqiiqo oo ah jimicsiyo isugu jira kubadda Golafka, teniska, dabbaasha iyo jaasta, iyo 200 oo daqiiqo toddobaadkii oo socodka in ay iskaga mid yihiin tamar badan oo isku mid ah iyo nolol iyo caafimaad guud oo wanaagsan.
  2. Awood hal-abuurnimo oo sar: Socodku waxa uu dhiirrigeliyaa shaqada maskaxda, taas oo bacarimisa awoodaha daahsoon ee maskaxda. Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Standford ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in socodku uu boqolkiiba 60 kor u qaado awoodda curineed iyo hal-abuur ee maskaxda.

Waxaa xusuus mudan in faa’iidadaas yaabka badan ee socodka laga helaa ay tahay mid uu qofku helayo haddii socodkiis uu yahay guriga gudihiisa iyo haddii uu bannaanka socdo labadaba.

Dhibaatada xiiqda oo yaraata: Warbixintani waxa ay sheegaysaa in ay jiraan dad xiiq leh oo marka ay ciyaaraan ay ku kacdo xiiqdu, laakiin waxa ay hoosta ka xariiqaysaa in kicitaankaas macnihiisu aanu ahayn in Isboortiga oo dhami uu kicinayo xiiqda. Balse taas lidkeeda uu yahay, waxa keliya ee qofka bukaanka ah looga baahan yahayna uu yahay in uu dhakhtarka kala tashado nooca jimicsi ee ku habboon iyo duruufaha kale ee ku xeeran, tusaale ahaan goobta uu jimicsiga ku samaynayo xaaladdeeda.

Kuliyadda Maraykanka ee xanuunnada xasaasiyadda, xiiqda iyo habdhiska difaaca ayaa warbixin ay hore u soo saartay ku sheegtay in socodka, iyo jimicsiyada ay ka mid yihiin dabbaasha, kubadda golafka, iyo baaskiil wadistu in aanay ka qaybqaadan dhibaato soo gaadha marinnada hawada oo dabcan ay xiiqdu ka mid tahay.

Dhakhaatiirtu dadka xiiqda qaba ee jimicsiga doonaya waxa ay kula talisaa in ay ku sameeyaan deegaan diirran, nadaafaddiisuna sarrayso, gaar ahaan boodhka iyo wixii la mid ahi aanay ka jirin.

Dheefsiga cuntada oo kordha

Cuntada uu qofku cunayaa faa’iido badan oo caafimaad ma samaynayso, balse taas lidkeeda ayaa laga dheefayaa oo ah in miisaanku kordho iyo in xaalado caafimaad darro ay keento. Haddii aanu si fiican u shaqaynayn habdhiska dheefshiga ee qofku. Habdhiska dheefsigu waa qaybta jidka u qaabilsan in cuntada soo gasha ay u kala furfurto maaddooyinka iyo nafaqada ay ka kooban tahay, qayb kastana halka ku habboon u dirto, sida oo kalana wixii qashin ah u diyaariso in uu jidhka dhaafo.

Habdhiska dheefshiidka oo aan si fiican u shaqayn dhibaatooyinka kale ee ka dhasha waxaa ka mid ah miisaanka qofka oo kordha, dhiigkarka oo degi waaya, dufanka dhiigga oo bata, macaanka oo kor u kaca, iyo xaydha caloosha iyo tartarrada fuusha oo badata.

Daraasadaha la sameeyey waxa ay muujinayaan in socodku uu kor u qaado awoodda uu jidhku u leeyahay dheefsiga cuntada.

Cimri dherer

Socodku waxa uu leeyahay faa’iido ah cimri dherer. Sida ay caddaynayso xarunta MAYO CLINIC daraasado kala duwan oo la sameeyey ayaa lagu ogaaday in socodku uu qofka u yahay cimri dherer iyo in ay dib dhacaan calaamadaha gabowgu, waxa aanu u sii kala fiican yahay sida uu hadba yahay xawaaraha socodku.

Hurdo fiican

Waxa ay khubarada caafimaadku xaqiijiyeen in qofka oo hurdo fiican helaa ay ka mid tahay arrimaha kor u qaada caafimaad wanaagga. Waxaa la aaminsan yahay saacadaha ugu fiican ee ay tahay in uu qofku seexdaa in ay yihiin siddeed saacadood, sida oo kalana hurdada u uqofku seexdaa ay u kala faa’iido badan tahay sida ay u kala taya badan tahay. Si uu qofku u seexdo hurdo tayo badan wax yaabaha sida fiican uga caawin karana uu ka mid yahay socodka, gaar ahaan noociisa tallaabo dheerayska ah. La soco…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here