Habka Aad Iskaga Ilaalin Karto Caafimaad Darrada Nafsiga Iyo Jidhka Ah Ee Ka Dhalata Shaqada Badan (1)

0
892

 

Korodhka dadka waxbartay iyo nolosha xawaaraha ku socota ee adduunku waxa ay sababeen in qof kasta uu ku fikiro sidii uu muddo gaaban ku gaadhi kari lahaa halka ugu sarraysa. Sumcad uu bulshada ku dhex yeesho iyo mansab uu ka helo dhaqaale noloshiisa ku filan ayaa ka mid ah arrimaha dadka casrigan riixaya. Laakiin qaladka ugu weyn ee ay dadkani galaan waa in loollankas iyo baratankaas adag ay ku illaawaan caafimaadkooda jidheed iyo maskaxeed kuna kasbadaan xaalado nafsiyadeed oo dhibaato ku noqda. Warbixin ay Alcarabiya ka soo xigatay shabakadda Boldsky ee ka faalloota arrimaha caafimaadka ayaa sheegaysa in qulubka, isku-buuqa, warwarka iyo walaacu ay ka mid yihiin xaaladaha nafsiga ah ee ugu caansan waqtigan, taas oo raad xun ku yeelata hab fikirka qofka, dareenkiisa iyo qaab macaamilkiisa intaba. Saamayn tabanna ku xidhiidhada shaqo ee qofka, gaar ahaan dadka ka shaqeeya meelaha ay marka horeba duruufaha qallafsani ka jiraan.

Waxaa jira sababo badan oo sii kordhiya khatarta ah in qofka ay ku dhacaan xaaladahaas nafsiga ah iyo walbahaarka joogtada ah ee shaqadu, waxaa ka mid ah nooca shaqada iyo deegaanka shaqo, maamul iyo nidaam ee shaqada oo haddii aanu qofku ku qanacsanayn ku keena xaalado nafsadeed oo dhibaato badan.

Warbixintun waxa ay ina siinaysaa habab uu qofku ku xallin karo dhibaatada ka soo gaadha duruufahaas shaqo, ama uu kaga hortegi karo in ay saamayn ku yeeshaan caafimaadkiisa nafsiga ah, waxaa ka mid ah:

Ha qarsan dareenkaaga

Waxa ay khubarada caafimaadka nafsiga ahi muhiim ku sheegayaan in qofku aanu qarsan dareenka laabtisia gubaya. U warran saaxiibbadaa, dadka kuu dhow, cid qoyskaaga ka mid ah, ama cid aad ku kalsoontahay oo ka mid ah saaxiibbada shaqada.

Sheegistaas waxa aad ka helaysaa caawimo nafsiya ama maskaxeed oo guud ahaan kaa ilaalisa dhibaatada kaa soo gaadhi lahayd dareenkan ku gubayey. Ogow sirtaada oo aad cid kasta u sheegtaa waa dhibaato, laakiin dareenkaaga runta ah oo aad cid aad ku kalsoontahay u sheegtaana ma’aha calaamad liidasho.

Xidhiidho abuur

Waa muhiim in aad xidhiidho ku yeelato goobta shaqada. In aad goobta shaqada ku lahaato shaaxiibbo iyo jaal aad ku dhiirrato la shaqayntoodu waa furaha caafimaadka nafsiga ah ee qofka. Haddii maamulkaaga shaqo iyo jaalka aad wada shaqaysaan ay noqdaan kuwo aan ku dhiirrigelinayn, waxa aad khatar ugu jirtaa in ay kugu dhacaan xaalado nafsiya oo isku buuq iyo qulub ka mid yihiin.

Haddii aad dareento in niyaddaada shaqadu aanay fiicnayn, ama in aad dareemayso culays nafsi ah iyo diiqad badan, ha ka waaban in aad maaulahaaga shaqada iyo saaxiibbada aad ku kalsoontahayba kala hadasho waxa ku dhibaya, adiga oo ka raadinaya in aad ka hesho wax kaa caawin kara in aad ka gudubto caqabaddaas dhibta kugu ah.

Firfircoonidaada ha dhimin

Jimicsiga jidhka oo aad joogtaysaa waxa ay kor u qaaddaa shaqada maskaxda, dhugmadeeda iyo in ay dulqaad u yeelato u fiirsiga iyo xoog-saaridda shaqada. Waxa kale oo uu jimicsigu keenaa hurdo fiican in la seexdo, taas oo iyaduna wanaajinaysa dareenka qofka.

Ku dadaal in aad maalin kasta jimicsato ugu yaraan 30 daqiiqo, socodkuna jimicsiga ayaa uu ka mid yahay. waxa aanad ogaataa in jimicsigu uu kaa yaraynayo isku buuqa, qulubka iyo warwarka badan oo khatar ku ah caafimaadka jidheed ee qofka.

Cunto caafimaad qabta cun

Cunista cuntooyinka ay ku badan yihiin faytamiinnada, macdanaha iyo curiyeyaasha lidka ku ah sunta cuntada ka dhalataa waxa ay faa’iido badan u leedahay caafimaadka nafsiga ah, waxa ay dhistaa niyadda waxa aanay xoojisaa caafimaadka jidhka.

Dadka shaqadu ku badan tahay, ee xilliyada cuntadu ka khalkhalaan ama mararma qaarkood haleeli waaya waxaa lagula talinayaa in ay cunaan cuntooyinka fudud ee caafimaadka aan dhibta ku keenayn, waxaa ka mid ah kimista iyo dufanka lawska ka samaysan ee cuntooyinka fudud lagu darsado gaar ahaan waqtiyada firaaqada. Biyo badan oo u uqofku cabbo iyo in uu ka dheeraado cuntooyinka degdega loo sameeyo ee dufanka leh, sida biisada, beergarrada iwm. Daraasado kala duwan oo lagu sameeyey cuntada waxaa lagu ogaaday in cuntada ugu fiican caafimaad ahaan ay tahay cuntada guriga lagu sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here