Xanuunka ‘Coronovirus’ Oo Sababay Hoos U Dhac Weyn Oo Ku Yimi Qiimaha Iibka Bunka Ee Adduunka

0
826

 

Fayraska dilaaga ah ee ‘Coronovirus’ oo si xawli ah adduunka ugu sii faafaya ayaa abuuray cabsi saamayn ku yeelatay dhaqaalaha adduunka. Sababaha dhibta sii badiyeyna waxaa ka mid ah iyada oo aan weli dawo rasmi ah loo helin xanuunkan iyo xawaaraha yaabka leh ee uu ku faafayo oo cabsi abuuray.

Waxaa xidhmay meheradihii ganacsiga cuntada ee magaalada Wuhan, waxaana hoos u dhacay iibka cuntada ee guud ahaanba meheradaha ku yaalla dalka Shiinaha iyo dalalka ka cabsi qaba in cudurkani ku sii faafo. Arrintaas oo sababtay in uu hoos u dhac weyni ku yimaaddo suuqyada iibka cuntooyinka ay xaaladdani saamaynta ku yeelatay. Waxaa ka mid ah bunka oo marka biyaha laga yimaaddo ah cabbitaanka adduunka oo dhan loogu isticmaalka badan.

Sida uu ku warramayo wargeyska Financial Times ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, waxaa si aad ah hoos ugu dhacay hal-beegga iibka bunka ee suuqyada Lonodon, waxaana ku yimi qiimo jab ka badan shan meelood-meel.

Suuq xumada iyo khasaaraha soo gaadhay heshiisyadii iibka ee bunka ayaa la sheegay in ay xitaa ka weyntahay khasaaraha soo gaadhay shidaalka adduunka oo hoos u dhacay qiime dhan boqolkiiba 17 iyo macdanta ‘Kubram’ oo boqolkiiba 9 hoos u dhacday.

Sababaha qiimo dhaca bunka keenay waxaa ka mid ah bunkii dalka Shiinaha ka imanayey oo hoos u dhacay isla markaana iibkiisu yaraaday, maadaama oo dad badani ka cabsi qabaan in uu hoy u noqdo fayraska ‘Coronovirus’ oo aan weli la ogeyn meelaha rasmiga ah ee uu ku noolaan karo iyo meelaha aan looga cabsi qabin. Shiinuhu waxa uu ka mid yahay dalalka bunka ugu badan u dhoofiya adduunka. Dhinaca kalana waxa uu ka mid yahay dalalka bunka ugu badan laga cabbo. Tirakoobyada arrintan lagu sameeyeyna waxa ay muujinayaan in bunka adduunka ka soo go’a boqolkiiba 2 ka mid ah lagu isticmaalo dalka Shiinaha.

Hoos u dhaca ku yimi qiimaha bunka ayaa la saadaalinayaa in uu sii socon doono, haddii aan xal loo helin xanuunka Coronovirus, iyo haddii uu ku sii faafo dalal kale oo bunka aad looga isticmaalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here