Hab Casri Ah Oo Kuu Suurogelinaya In Aad Talefanka Gacanta Ku Maamushu Kombiyuutarkaaga

0
589

London (Geeska)- Dad badan ayaa u baahda inay talefankooda  gacanta ku xidhaan Kombiyuutarkooda gaarka ah, si ay uga maamulaan meel durugsan, iyaga oo tusaale ahaan doonaya in kombiyuutarkooda ay ka dhex arkaan shaashadda Talefankooda gacanta, ama in ay talefanka gacanta shaashaddiisa ka dhex arkaan Kombiyuutarkooda, iyo in ay faylal iyo dhukumantiyo isaga gudbiyaan talefanka iyo Kombiyuutarka.

Haddaba waxaa jira habab badan oo si Tiknoolajiyadeed la isugu xidhi karo kombiyuutarka iyo talefanka gacanta, waxa aana ka mid ah kan aynu qormadeennan kaga hadlayno oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Alcarabiya qaybteeda Tiknoolajiyadda ka faalloota. Habkan waxaa la yidhaahdaa habka Adeegga Lazy Mouse 2.

Qaabka loo isticmaalayo:

Ugu horreyn waxa la soo dejisanayaa adeegaha gaarka ah ee fududaynaya hawshan kaas oo ah barnaamijka Lazy Mouse 2, oo lagu soo dejinayo Kombiyuutarka, iyo sidoo kale mid isla kaas la mid ah oo lagu soo dejinayo talefanka gacanta, gaar ahaan nooca ku shaqeeya barnaamijka Android.

Barnaamijkan qaybtiisa talefanka gacanta aad ku soo dejisaa waxa ay ogolaanaysaa in ay ku xidhanto kombiyuutarka isaga oo keliya dalbanaya in koodh (Lambar) uu ku siiyey aad geliso daaqad kombiyuutarka kaaga furmaysa, waxa aanu adeegsanayaa oo aad furaysaa xidhiidhka aan xadhiga lahayn ee Bluetooth ka, isla markaba kombiyuutarka ama talefanku waxa uu mid kastaa awoodayaa in uu maamulo oo dhex galo kan kale.

Barnaamijka Lazy Mouse 2 waxa uu qofka u suurtogelinayaa in uu si aad u fudud u dhex geli karo kombiyuutarkiisa oo ka durugsan, sida in uu kombuutarka kamaraddiisa furo, in uu talefankiisa gacanta ka furto filim uu ku daawaday talefankiisa oo markan uu ka daawanayo kombiyuutarka, in uu sawir ku qaadan karo kamabaradda kombiyuutarka oo uu ku kaydsanayo talefanka iyo in uu Kombiyuutarka laftiisaba dembiya, ama in uu talefanka laftiisaba ka dhigan karo Mouse uu meel durugsan isaga oo aan xadhig ugu xidhnayn kaga maamuli karo Kombiyuutarka.

Waxa kale oo uu adeeggani fududaynayaa in talefanka laga soo dhex galo faylasha ku jira kombiyuutarka ama kombiyuutarka loo adeegsado in laga dhex galo faylal ku jira talefanka gacanta.