Haayada DAI Oo Munaasibad U Qabatay 12 ganacsade oo Ku Guulaystay Barnaamij Maal-gelineed

0
555

Picture1Hargeysa(Geeska):-Munaasibad balaadhan oo la sameeyey tartamayaal ku guulaystay Barnaamij loogu talagalay iskaashiga iyo kobcinta dhaqaalaha oo ay maal galinaysay Haayada dawlada Maraykanka u qaabilsan Horumarinta caalamiga ah ee USAID,sida oo kalana ay fulinaysay Haayada DAI oo ay ka qayb galeen tartamayaal aad u tira badan ayaa lagu qabtay Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen Madaxda Sar-sare ee Haayadaha USAID, DAI,agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah,Tartamayaasha ku guulaystay barnaamijka iyo marti sharf kale.

Barnaamijkan oo ahaa fursad maal galineed oo ay guuleysteen 12-Ganacsade oo ka mid ahaa ganacsiyo fara badan oo ay soo bandhigeen tartamayaal kala duwan oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa shalay lagu doonsiiyey fursadahaasi maal galineed.

Haayada DAI oo iyadu ahayd Haayadii fulinaysay mashruucan ayaa ka warsaxaafadeed ay soo saartay waxaa ay kaga warantay u jeedada laga lahaa Barnaamijkan maal gelineed iyo sida oo kale marxaladihii kala duwanaaa ee uu soo maray mashruucani,waxaana ay tibaaxeen in maal galinta ay samaynayaan aanay ahayn mid dayn ah isla mar ahaantaana aan haba yaraatee lahayn wax riba ah,waxaana ay carabka ku dhufteen in ay doonayaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen una dhiiri galin lahaayeen kobaca dhaqaalaha iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

War-saxaafadeedkii Haayada DAI ay soo saartayna waxaa uu u dhignaa sida tan:“Barnaamijka Iskaashiga Kobcinta Dhaqaalaha oo ay maal gelinayaan dadweynaha Maraykanku,loona soo mariyo Hayada u qaabilsan Maraykanka Horumarinta Caalamiga ah,ayna fuliso DAI,waxaa loogu talo-galay inuu caawiyo yoolalka dadka Soomaalida eek u aadan horumarinta dhaqaalaha iyo nolosha.Barnaamijku waxaa uu la shaqeeyey dawlada iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay si loo horumariyo deegaanka ganacsiga,loona abuuro shaqooyin dakhliguna u kordho.

Mashruucan maalgelin wadaagu waa mid leh habab fudud oo ku dhisan tartan iyadoo Barnaamijka iyo ganacsatada Somalidu ay wadaagayaan maal gelinta oo ku dhisan hab deeq ah si loo taageero fursad loo leeyahay iyo abuurida shaqooyin iyadoo la dhiirigelinaayo habka kharash wadaaga si loo yareeyo khatar ku gedaaman ganacsiga,Barnaamijku waa deeq mana ah dayn,lamina bixinayo ribo.

Mashruuca maalgelin –wadaagu waa mid leh qaab fudud oo si furan loogu tartamo,halkaas oo barnaamijku iskaashiga kobcinta dhaqaalaha ee DAI uu la wadaago maal-gashiga ganacsiyada Somalida iyadoo la adeegsanayo kab dhaqaale si loo horumariyo hababka hal abuurnimo ee xoojinaya ganacsiga gaarka loo leyahay,loona abuuro shaqooyin.Intaasiba iyada oo ay jirto,hadana waxaa sugan wadaagista kharashka ee lala galaayo ganacsadaha ku guulaystay in uu helo kab dhaqaale.mashruuca iskaashiga dhaqaaluhu waa isku aadin kab dhaqaal,balse maaha anacsada guulaystay in dib u bixinayaan lacagaha ay ku guullaysteen.

Maalgalintu waxaa ay u furnayd cod sade kasta oo ka socda qaybaha wax-soosaarka ee Xoolaha iyo beeraha sida wax soo saarka beeraha,Warshadaynta,dhiqida shinada,Beeyada,iyo Faleenka Kalluumaysida iyo Tamarta IWM.sida ku cad barnaamijka wajigiisa koowaad,qiimaynta guulaysigu waxay ku salaysnayd saamaynta uu ku leeyahay Fikirka Ganacsi Koboca Dhaqaalaha,Midho-dhalka dhaqaale ee fikir ganacsi iyo wax ku oolnimada galaya ganacsiga,Laf-gurida dalabka suuqa iyo socodka badeecada,khibrada maamulka ganacsiga iyo xadiga kharash wadaaga.Habka xulashadu waxa uu ahaa mid cadaalad ku dhisan oo ku salaysan qodobadan aan xusnay”.Ayaa lagu yidhi nuqul ka mid ah War-saxaafadeedkii Haayada DAI ay soo saartay.

Munaasibada loogu wanqalaayey tartamayaasha guulaystay ayaa waxaa ugu danbayntii ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaarada Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah Md:Maxamed Sheekh Cumar ayaa si aada u soo dhaweeyey barnaajimkan ay Maal-galisay Haayada USAID sida oo kalena ay fulinaysay Haayada DAI,waxaana uu sheegay in barmaamijkani ay ka Wasaarad ahaan ay si aada u soo dhawaynayaan,sida oo kalena ay uga mahad celinayaan Haayadaha Barnaamijkan iska xil saaray.

"Anigu waxaan isu taagay in aan u mahad naqo aniga oo ku hadlaaya magaca Wasaarada Ganacsiga Haayada USAID oo runtii u fidisay Kaalmo wax ku ool ah oo dhaqaale taasi oo isagu jirta maal gashi iyo ganacsi isagu jirta dalkeen keentay,iyada oo aynu odhan karno dhamaanba waxaa ay ka muuqataa qaybaha muhiimka ah ee wadankeena ee aynu ka helno dhaqaalaha ama aynu u baahanahay in aynu maal gashano sida Xoolaha,Beeraha,Kaluumaysiga,iyo Illaa iyo digaaga oo ay socdeen in ay qayb ka qaataan,taasna waxaan leeyahay aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin,sidaas awgeedna Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashigu waxaa ay marwalba ay u taagan tahay horumarinta dhaqaalaha casriga ah in ay gaadhsiiso dalkeena,oo ay yeelato heerka ay marayaan ganacstada caalamku,waxaana ay Wasaarada Ganacsigu ay ku jirtaa dadaal aad iyo aad u badan kaas oo aanu rajaynayno sida imikaba muuqata in midhaheda wakhti dhaw la wada arki doona,hadafka aynu leenahay waxa weeye in aynu horu marino dhaqaalaha wadan keena,dal wal oo jira oo caalamka ahna dad ayuunbaa u dhashay ,iskama abuurmin quruxdan iyo dhaqaalahan aynu aragnaa ee waxaa la galiyey dadaal iyo juhdi aad u badan"Ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga Iyo Horumarinta Somaliland.

Shirkadaha qandaraaska helay waxa ka mid ah shirkadda ganacsi ee  Uubaale poultry And Beekeeping Company.