Cali-Gurey Muxuu Ka Yidhi Doodda Ay Guddiga Qandaraasyadu Iskaga Difaaceen Eedaha Shirkadda R4?

0
516

gurayHargeysa(Geeska)-Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) oo ah guddomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID ayaa sheegay in qandaraaskii lagu bixiyay shirkadda tababaraysa ciidanka OPU, lagu bixiyay hab madoow oo aan cadayn. Shirkadda R4 ee Maraykanka ah ayaa guddiga qandaraasyada ku eedaysay inay si mugdi ah u maamuleen qandaraaskaas.

Cali-Gurey ayaa qoraal kooban oo uu ku soo qoray xalay bartiisa facebook, oo uu kaga hadlayay shirjaraa’id oo isdifaac ah oo uu qabtay guddoomiyaha guddiga qandaraasyada qaranka Aadan Nugaal, ayaa wuxuu Cali-Gurey yidhi,  “Si eex ah oo badheedh ah oo tuugo ah inay u dhacday doodii uu la galay wakiilka shirkadda maraykanka ah ayay cidii daawatayba ku qanacday. Waana aynu ognahay in aanu jirin hal qandaraas oo si xalaal ah loogu tartamay intii ay xukuumadani jirtay. Cidda uu kani beenta u sheegi karo ee ka qaadanaysaa waa ayo? Isaga laftiisa ayaa runta og hadalkiisuna kama badna af gobaadsi.

Tan kale halkey joogta shirkadda dalka saliida ka sahaminaysa ee aaminaysaa xaaladda maanta ee Somaliland. Ilaa doorashooyinku dhacaan kolay wax hawl ah oo la xidhiidha sanka saliidu oo cidina diyaar u tahay ma jirto. Hadaa waa maxay ciidankan gaarka ihi? RRU waxa loo sameeyay la dagaalanka argagixisada cid aan dumar iyo caruur, saxaafad, iyo mucaaridka ahayn oy la dagaalameena ma jirto. Kuwanina wax ay ka duwanaan doonaan ma jirto ee inta rruda loo adeegsado ayuun baa kuwanna loo adeegsan doonaa. Laakiin la mahadin maayo ee waa la eedi doonaa.”