Istanbul (Geeska)- Heesaa caan ka ah dalka Turkiga oo lagu magacaabo Aidan Aidan ayaa magaalada Haakaari ee Koongurta Bari ee dalkaas ku taalla ka bilaabay ol’ole ballaadhan oo uu ugu magac daray, “Ha i dhunkan” si uu dadka uga wacyigeliyo cudurraada dhunkashada lagu kala qaadi karo oo uu ugu horreeyo cudurka hargabka shimbiraha loo yaqaanno.
Heetsan ayaa dhegeystayaal iyo dad badan oo xiiseeya ka heshay dadka gobalkan Haakaari, gaar ahaan tuulada Baaqishley oo isla markii ay heestani soo baxday bilaabay in ay hal-ku-dhegyo ka dhitaan baydadka ay heestani ka kooban tahay, oo ay ku celceliyaan, sidoo kale waxaa ay bilaabeen in ay qoraan boodhad ay ku qorayaan ereyo ay ka mid tahay, ‘Ha’ u dhunkan’ iyo “Tuulahayaga dhunkashadu waa ka mamnuuc” waxa kale oo meelaha qaar lagu dhejiyey sawir gacmeedyo muujinaya af xidhan ama maro lagu duubay.
Heestan oo afka Turkiga ku baxaysa ayaa waxaa ereyadeeda bilowga ah machooda ka mid ah, “Iska jir in aad I dhunkato, waa aa bukaa ee ha i dhunkan, ha ku adkaysan in aad I dhunkato, hargab baan qabaa” heestan oo qaabka laxankeeda iyo muusigu isugu duba dhacsan yihiin keenay in ay dad badani xiiseeyaan dhegeysigeeda iyo weliba in ay si sahal ah u xafidi karaan ereyadeeda ayaa waxa kale oo ka mid ah, “Hooyo iyo aabo, haddii aad i jeceshihiin ha i dhunkanina, Tuulaha Baaqishli ee Haakaar waa ay mamnuucday dhunkashadii
Fannaanka heesta qaadaya ee Aydan oo warwbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka badankoodu war mo’ogyihiin khatarta caafimaad ee ay dunkashadu keeni karto, oo ay ka mid tahay in ay cudurrada neefta iyo dhareerka afka lagu kala qaadaa ay dhaqso u faafaan. “Dhunkashadu waa dhibaato haysata boqollaal ku oo qof, waa arrin dad badan oo caan ah, sida ganacsato, fannaaniin iyo siyaasiyiin ku haysa dhib” ayaa uu yidhi Aydan oo tilmaamaya dadka taageerayaasha ah ee jecel in ay dhunkadaan qofka ay taageersan yihiin.
Aydan waxa uu qoysaska Turkiga kula taliyey in ay iska daayaan dhunkashada, iyaga oo k bilaabaya qoyska dhexdiisa, “Carruurta ayaa aynu dhukannaa si aynu kalgacal ugu muujinno, laakiin taasi waxa ay sababtaa uun in cudurku faafo” ayaa uu yidhi Aydan. Guddoomiyaha degmada Baaqishli ayaa isa sheegay in dadka degmadiisu ay heestan kadib joojiyeenba dhunkashadii si ay u xakameeyaan cudurka hargab shimbireedka oo lagu arkay magaalada.
Aydan oo mar kale difaacaya fikirkiisan ah in dhaqanka laga saaro dhunkashada, ayaa waxa uu sheegay in tuulahoodu aqbalay dalabkiisa, “Tuulahayga oo ay ku nool yihiin dad ka badan kun ruux, waxa uu doonayaa in uu tusaale u noqdo Turkiga oo dhan, waayo dhibaatadani waa mid shacabka Turkiga oo dhan khusaysa” ayaa uu yidhi. Isaga oo ku taliyey in dadku ay ku ekaadaan salaanta gacanta ah oo aanay is dhunkan.
Cudurka hargab shimbireedka oo ay sababaan wadar Fayrasyo ahi, waxa uu ka mid yahay cudurrada sida dhaqsaha ah u faafa, oo hindhisada iyo qufaca qofka qaba uu soo raacayo fayrasku kadibna hawadu u gudbinayso qof ka kale, sidoo kale inta badan ee xanuunnadaku dhaca hab-dhiska neefsiga, sida caabuqa sambabbada.