Sababtan Ayaan Diyaaradaha Loogu Ogolayn In Ay Dul Maraan Kacbada Barakaysan Ee Xaramka Makah

0
721

1Riyaad (Geeska)- Waxaa muddooyinkii u dambeeyey warbaahinta bulshada ee dalalka Carabta si aad ah la isugu dhaafsanaye yhadallo la xidhiidha in diyaaradaha aan loo ogolayn in ay dul haadaan guud ahaan xaramka magaalada Barakaysan ee Makaha iyo si gaar ah Kacbada, waxa aanay dadka sheekadan isku dhaafsanayey barkulannada bulshada, qaarkood sheegayeen in sababaha loo diiday ay tahay mucjiso ka jirta hawada sare ee ku beegan xaramka.

Haddaba Ruug-caddaa horena u ahaan jiray duuliye diyaaradeed ayaa dhowaan sheekadan soo afmeeray kadib markii uu degelka uu ku leeyahay barkulannada bulsho ee internet ka kaga jawaabay dooddan, sheegayna sababta runta ah ee diyaaradaha loogu diidan yahay in ay dul maraan Kacbada.

War uu Geeska Afrika ka soo xigtay bogga internet ka uu ku leeyahay wargeyska Alwatan ee ka soo baxa dalka Sucuudiga ayaa uu Al-Qaamidi ku sheegay in ay qaldan tahay xogta barkulannada bulshada la isku dhaafsanayo ee la xidhiidha sababta diyaaradaha loogu diiday in ay dul haadaan Makah.

Isaga oo sii iftiiminaya xogta uu u jeedana waxa uu tilmaamay qaar ka mid ah, sida dadka aaminsan in kacbadu ay leedahay Cuf-Is-Jiidad mucjiso ahaan iyada si gaar ah ugu beegan oo diyaaradda dul martaa ay soo dhacayso, qaar kalaa waxa ay sheegeen in hawada saree e Kacbadu ay madhan tahay oo aanay wax hawo ahi kajirin inta ku beegan oo illaaasamada ah, sidaa awgeed aanay suurtogal ahayn in diyaaraduhu dul maraan meel aan hawo isu-dheelli tirka dhamaystirtaa ka jirin.

Al-Qaamidi waxa uu sheegay in sababta runta ahi ay tahay, iyada oo guud ahaanba magaalada Makah ay ku taallo dhul buuraley ah, in la diidan yahay codka aanay dheguhu jeclaysanayn ee inta badan diyaaraddu samayso marka ay buuraleyda dul marayso, iyada oo rabshadda iyo buuqa loo diidayo dadka xaramka ku jira ee cibaadada iyo in ay maskaxda faaruqiyaan u yimid.

Sababta kale ee uu Al-Qaamidi sheegay ayaa ah in maadaama oo ay suurtogal tahay in diyaaradaha qaarkood ay sidaan dad aan muslim ahayn, sidaa awgeed aan la ogolayn in ay dul maraan xaramka. Taas oo ixtiraam ahaan loo arkay in lagu sharfayo xaramka.