Ha Dhayalsan Adeegsiga Suuqgeynta Maqal Iyo Muuqaalka Ah, Adiga Oo Aan TV U Baahan

0
789

Fiidyowga waxaa muddo dheer lagu tirinayey in uu qayb muhiim ah ka yahay suuqgeynta, laakiin waxaa inta badan caqabad ku noqon jiray ku baahinta talefishanka oo dhibtiisa ugu weyni ay ahayd kharashkiisa aadka u badan iyo ceebta ah in saacadda uu sii deynayaa aanay ahayn mid mar wada heli karta firaaqada dadka tirada badan ee loola gol leeyahay. Haddaba, muddooyinkan dambe waxaa mar kale sii xoogeysatay muhiimadda lagama maarmaanka ah ee maqal iyo muuqaalku u leeyahay suuqgeynta, kaddib markii ay si weyn u kortay saamaynta uu maqal iyo muuqaalku ku leeyahay shabakadda Internet ka, isla markaana ay sii bateen dadka adeegsada, gaar ahaan baraha bulshada, oo ka shacbiyad badan warbaahinta hore u jirtay, kana Kharash jaban, haddiiba la doono in Kharash lagu bixiyo.

Marka ay shirkadda waxsoosaarka ama adeegga ay doonayso in ay bilowdo suuqgeyn iyo in ay si aad u ballaadhan isugu fidiso suuqa, habka ugu habboon ee ay si dhaqso ah farriinteeda ugu faafin karto isla markaana dareen celinta macaamiisha ku heli kartaa waa in ay isticmaasho suuqgeyn maqal iyo muuqaal ah (Video Marketing) oo ay si xeeldheeri iyo xirfadi ka muuqaato u diyaarisay muuqaalka iyo farriinta uu gudbinayo labadaba, kuna faafiso baraha xidhiidhka bulshada. Waa hab fudud oo ay shirkaddu qofka macmiilka ah ku dhacsiin karto sababta ay tahay in uu badeecaddan ama adeeggan uga doorto adeegyada kale ee suuqa yaalla oo dhan. Sababaha uu habkani uga mudan yahay hababkii hore u jirayna waxa aynu ka xusi karnaa:

Degdegsiinyo

In fiidyow u samaysan hab farsamo ahaan sarreeya, isla markaana qaabkiisa iyo farriinta uu sidaa si xeeldheer ugu taagan yihiin xayeysiinta waxsoosaarka ama adeegga ganacsiga, kaddibna lagu faafiyo baraha xidhiidhka bulshadu waxa ay si dhaqso ah ugu faafi kartaa bulshada dhexdeeda. Waa ay fiican tahay in lagu faafiyo baraha xidhiidhka bulshada ee caanka ah ama dadka badani ku xidhan yihiin, waxa kale oo ku filan in shirkadda ama ganacsigu uu lahaado bartiisa gaarka ah oo uu ku xayeysiiyo adeegyada iyo waxsoosaarka uu suuqa ku hayo.

Sida lagu xusay Warbixin arrintan ay ka samaysay shabakadda caanka ah ee Aljazeera, sannadkii i2016 kii, waxaa soo baxay tirakoob u marag furay in fiidyow suuqgeyn waxsoosaar ama adeeg ah oo lagu faafiyo keliya shabakadda xidhiidhka bulshada ee shirkaddu leedahay uu celcelis ahaan kordhiyo qiyaas ah boqolkiiba 80 kordhiyo saddexda arrimood ee aasaaska u ah suuqgeynta. Kuwaas oo kala ah, tirada dadka xayeysiiska daawaday, tirada dadka ka dareen celiyey, iyo tirada dadka xayeysiiskaas awgii iibsaday intaba. Mar kasta oo ay saddexdan tiir kordhaana waxaa sii badanaya heerka iibsiga badeecadda ama adeegga ay shirkaddu xayeysiisay.

Dhinaca kalana cilmibaahis natiijadeeda la faafiyey sannadkii 2019 ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 79 dadka adeegsada baraha bulshada ee daawada fiidyow xayeysiis adeeg ama badeecad iyo waxsoosaar kale in ay iibsadeen. Markii natiijadaas la barbardhigay, iibka isla badeecaddaas ama adeeggaas ay iibsadaan dadka xayeysiiska badeecadda ama adeegga ku arkay warbaahinta soojireenka ahayd sida Talefishanka waxaa lagu ogaaday in faafinta baraha bulshada ay ka awood iyo fiditaan badantahay warbaahin kale oo kasta oo la mariyo xayeysiiska.

Ku kalsoonaanta suuqgeynta

Waxaa jira istaraatjiyad suuqgeynta muhiim u ah oo ah in xoogga la saaro abuurista iyo gudbinta nuxur iyo xog qiimo leh, ka turjumaysa farriinta ay gudbinayso, isla markaana farriinteedu xidhiidhsantahay iskuna dubadhacsantahay bilow illaa dhammaad si loo ilaashado loona soo jiito dadka la beegsanayo,  iyo in ugu dambaynta macaamiisha lagu dhiirrigeliyo in ay iibsadaan adeegga ama badeecadda. Istaraatjiyadan waxa afka ingiriisiga lagu yidhaahdaa ‘Content Marketing’.

Ujeedada aasaasiga ahina waa in nuxurka farriinta la gudbinayo ee la socda Fiidyowgu uu noqdo mid dadka la beegsanayo ku beeraya kalsooni ku dhiirrigelisa in ay ka dareen celiyaan farriinta, marka labaadna ay iibsadaan.

Waa in xoogga oo dhan la isugu geeyo in macaamiisha la filayo la siiyo xog isugu jirta faa’iido iyo xiise gelin, taas oo la aaminsan yahay in ay ku dhiirrigelin doonto in ay iibsadaan waxsoosaarka ama adeegga loo soo bandhigayo. Waxaa iyaduna dhici kartaba in farriintaadani ay noqoto mid dadka ku beerta dareen ah in ay sii gudbiyaan taas oo macnaheedu yahay in ay si dadban uga sii qayb qaadanayaan xayeysiiskii aad damacsanayd faafintiisa.

Suuqgeynta guulaysata ee casrigan teknoolajiyadu waxa ay ku dhisan tahay saddex halbeeg oo lagu qiyaaso:

  1. Xiise gelin:
  2. Fududayn
  3. Kasbashada kalsoonida macmiilka

Halbeegyadaas saddexda ah ayaa ay xayeysiinta fiidyowgu si isu dhammaystiran u gudbin kartaa, haddii fiidyowga marka hore loo diyaariyo si xirfadaysan, isla markaana laga baaraan dego nuxurka farriinta ku lammaan. Fiidyowgu waxa uu awoodaa in uu xiise geliyo daawadaha, iyo in uu faahfaahin iyo fududayn ka bixiyo Nooca waxsoosaarka ama adeegga aad ibinayso iyo qaabka loo isticmaalayo, iyo sida oo kale in ganacsigu uu kasbado kalsoonida macaamiisha, heer uu macmiilku ku go’aan qaato in uu  u iibsado si dhaqso badan marka la barbar dhigo iibsigiisa waxyaabaha kale ee la midka ah ee suuqa yaalla.

Caqabadaha ugu waaweyn ee ay tahay  in qofka fiidyowga xayeysiiska ah samaynayaa uu xoogga saaraa waa in uu kalsooni ka abuuran karo cidda loola jeedo, maadaama oo muddooyinkan dambe ay yaraadeen kalsoonida xayeysiisyada lagu qabo, khiyaamooyin badan oo dhaca awgeed. Sahamin la sameeyey ayaa lagu ogaaday in dadka fiidyowyada xayeysiisyada ah daawada boqolkiiba 57 keliyi ay ku kalsoonaadaan adeegga ama waxsoosaarka uu xayeysiiskaasi xambaarsanyahay.

Xiise waa uu abuuri karaa xitaa haddii uu liito samayskiisu

In fiidyowga xayeysiiska gudbinayaa uu u diyaarsanaado si xirfadi iyo farsamo heersarraysa ku dhisani waxa ay xoojisaa awoodda xiise gelineed ee uu leeyahay. Boqolkiiba 83 shirkadaha xayeysiisyadaha lacagta aadka u badan ku bixiya fiidyowga samayntiisu waxa ay qiraan in faa’iidada laga helo iibka uu xayeysiiskaasi sababta u noqdaa ay mar kasta ka badan tahay Lacagta lagu sameeyey. Si kastaba ha ahaato ee waqtiyadan dambe waa ay fududaatay samaynta fiidyowyadu, marka loo eego sida ay waayadii hore ahaan jirtay, sidaas awgeed shirkadda ugama baahna in ay lacag aad u badan ku bixiso samaynta Fiidyowga. Rayiururin lagu sameeyey dadka xiiseeya muuqaallada xayeysiinta ganacsiga ah ayaa lagu ogaaday in marar badan uu fiidyowga xayeysiiska ah qudhiisu uu sabab u noqdo in Qofku uu naco iibsiga badeecadda ama adeegga uu xayeysiinayo. Laakiin boqolkiiba 75 dadka wax la weydiiyey waxa ay sheegeen in fiidyowga tayadiisa ama qaab samayskiisa aanay dan weyn ka gelin, balse ay si gaar ah ugu qancaan ama ku nacaan nuxurka farriinta uu xambaarsan yahay. Waxaa muhiim ah in ay noqoto farriin cad si xiise lehna loo soo gudbiyey.

Marka ay shirkadda waxsoosaarka ama adeegga ay doonayso in ay bilowdo suuqgeyn iyo in ay si aad u ballaadhan isugu fidiso suuqa, habka ugu habboon ee ay si dhaqso ah farriinteeda ugu faafin karto isla markaana dareen celinta macaamiisha ku heli kartaa waa in ay isticmaasho suuqgeyn maqal iyo muuqaal ah (Video Marketing) oo ay si xeeldheeri iyo xirfadi ka muuqaato u diyaarisay muuqaalka iyo farriinta uu gudbinayo labadaba, kuna faafiso baraha xidhiidhka bulshada. Waa hab fudud oo ay shirkaddu qofka macmiilka ah ku dhacsiin karto sababta ay tahay in uu badeecaddan ama adeeggan uga doorto adeegyada kale ee suuqa yaalla oo dhan. Sababaha uu habkani uga mudan yahay hababkii hore u jirayna waxa aynu ka xusi karnaa:

Fiidyawyada ayaa ka saamayn badan sawirrada

Sahamin lagu sameeyey dadka isticmaala baraha xidhiidhka bulshada ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 48 ka mid ahi ay xiiseeyaan daawashada fiidyowyada, marka la barbar dhigo qoraallada ama Sawirrada lagu baahiyo iyagana. Waa marag ina tusi kara saamaynta uu yeelan karo xayeysiiska maqal iyo muuqaalka ah ee lagu faafiyo baraha bulshada.

Marka fiidyowyada qudhooda la sii kala saarana cilmibaadhistu waxa ay muujiay in muuqaallada tooska ah (Live Videos) ay lix jeer laab ka shacbiyad badan yihiin fiidyowyada caadiga ah, ka dareen celinta ay dadku ka bixiyaan muuqaallada tooska ah ayaa ka badan faallooyinka iyo falcelinta ay ka sameeyaan fiidyowyada caadiga ah.

Baadhista Fiidyowga ayaa ka fudud sawirka iyo qoraalka

Marka la baadhayo shabakadaha baadhista ee ‘Google’ ugu awood badan yahay, waxyaabaha ugu horreeya ee baadhista ku soo baxa waxaa ka mid ah Fiidyowyada. Sababaha farsamo ahaan keenaya waxaa ka mid ah, sida la ogyahay daawashada fiidyowgu waxa ay qaadataa Waqti ka badan waqtiga la eegi lahaa Sawirrada iyo xitaa marar badan qoraallada kooban, sidaas awgeed daawashada badan ee fiidyowyada aad ku faafinayso shabakaddaadu waxa ay sababayaan in Google uu si dhaqso ah u soo saaro marka la baadho.

Shabakadda ‘Moovly’ ayaa daraasad ay samaysay ku ogaatay in fursadaha ah in qofka shabakadaha baadhista isticmaalayaa uu helo fiidyawgaagu ay 53 jeer ka badan yihiin fursadda ah in uu helo qoraallada ama Sawirrada.  Taasi waxa ay dhiirrigelinaysaa in xayeysiisyadeenna aynu fiidyow u istcimaalno.

Talefannada casriga ah oo aad loo isticmaalo

Talefannada casriga ah ee isticmaalkoodu dunida oo dhan ku faafay waxa ay fududeeyeen in daawashada fiidyowyadu aad kor ugu kacdo. Cilmibaadhis soo baxday sannadkii 2017 ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 90 dadka ganacsiyada kala duwan macaamiisha u ahi ay xogta ka soo helaan xayeysiisyada maqal iyo muuqaalka ah ee ay ku daawadaan taleefannadooda gacanta. Dabayaaqadii sannadkii 2013 kii, in Fiidyowyada lagu daawado taleefannada gacantu waxa ay korodhay boqolkiiba 233, halka daawashada fiidyowyada shabakadda Youtube ku ay sannad kasta korodho boqolkiiba 100.

Shirkadda Google ayaa daraasad ay faafisay sannadkii 2015 kii, waxa ay ku sheegtay in tirada dadka taleefannada gacanta ka soo gala Youtube ka lagu qiyaaso in ay laban laab ka badan yihiin dadka daawada taleefishannada. Sida oo kalana 1.4 ka badan yihiin dadka ka daawada kombiyuutarrada. Arrintan xeeldheereyaasha suuqgeyntu waxa day kala baxeen laba qodob, oo midka hore yahay kii aynu soo xusnay ee ahaa muhiimadda ay leeyihiin xayeysiisyada maqal iyo muuqaalka ahi, kan dambana yahay in fiidyawyada xayeysiiska ah ee ganacsigu uu samaynayaa ay noqdaan kuwo ku habboon daawashada taleefanka gacanta.

Cilmibaadhis cusub oo ay shirkadda Deloitte ku samaysay isticmaalka taleefanka gacanta ee dadka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in qofka Maraykanka ahi uu taleefankiisa gacanta baadhbaadho ku dhowaad siddeed bilyan oo jeer mar kasta. Daraasad kale oo xidhiidh la leh oo ay samaysay shirkadda JWPlayer, ayaa iyaduna daahfurtay inka badan boqolkiiba 75 daawashada maalinlaha ah ee fiidyawyada dunida oo dhan, in laga daawado taleefanka gacanta, taas oo u dhiganta afartii fiidyow ee kasta ee shabakadda Internet ka laga daawado in saddex ka mid ah laga daawado taleefanka gacanta, halka midhka soo hadhayna laga daawado kombiyuutarrada iyo qalabka kale.

Fiidyowgu waxa ujeedka u caddeeya si ka badan waxyaabaha kale oo dhan

Marka xayeysiiska shirkadda laga dhigo maqal iyo muuqaal, fahamka uu qofka siinayaa waa ay ka awood badna tahay fahamka uu Qofku ka qaadan karo xayeysiis kale oo dhan. Marka uu Fiidyowgu yahay mid la doonayso in macmiilku uu wax ka bartana waxa ay daraasaduhu muujinayaan in si fudud qofka ay u tababarayaan.  Cilmibaadhista lagu sameeyey arrintani waxa ay muujinaysaa in boqolkiiba 96 dadka daawaday fiidyawyada macmiilka baraya isticmaalka waxsoosaarka shirkadda, in ay si fiican u fahmeen adeegsigiisa kuna dhiirradeen in ay iibsadaan.

Sidaas awgeed boqolkiiba 45 ganacsiyada iyo shirkadaha soo korayaa qaab isticmaalka waxsoosaarkooda waxa ay macaamiisha ku tushaan fiidyowyo Tababar kooban siinaya si macmiilka ay ugu fududaato isticmaalka waxsoosaarkaasi. Boqolkiiba 83 ka mid ah dadkaas boqoplkiiba 45 ka ahina waxa ay sheegeen in fiidyowga ay daawadeen uu xiise u geliyey isticmaalka waxsoosaarkaas, taasi oo sabab u ah in ay shirkadahaasi macaamiil badan helaan. Dhammaad.