Xanuunka Covid_19 Oo Heerkii Ugu Xumaa Ka Maraya Burco, Maamulka Oo Sheegay Inuu Waayeelka Ku Dilayo 20 Daqiiqo Gudahood Iyo Qaylo-dhaantooda

0
547

Burco (Geeska) – Xanuunka Covid_19, ayaa heerkii ugu xumaa ka maraya Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Maamulka Degmada Burco, ayaa sheegay in mid ka mid ah Xabaalaha Burco bishii hore lagu aasay 103 Ruux, halka bishan dhammaadka ahna lagu aasay 142 Qof, taasi oo markhaati ka ah halista ka taagan Magaaladaas.

Maayarka Degmada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad) oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Burco, ayaa sheegay in xanuunka Covid_19 marka uu Dadka Waayeelka ah haleelo uu ku dilayo 20 Daqiiqo gudahood.

Maayar Muraad oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa Degmada Burco aad iyo aad u saameeyay Xanuunka Covid_19, waxaanad mooddaa inuu degmada si xawli ah u soconayo (Fidiyo). Sida ay noo sheegeen Culimada Gacanta ku haysa (Xabaaluhu) hal meel oo Xabaalo ah bishii inna dhaaftay waxa lagu aasay 103 Qof, waa hal meel oo ka mid ah Goobaha wax lagu aaso ee Burco, intaa waxa dheer intii tuulooyinka lagu aasay iyo intii Xabaalaha kale ee Magaalada (Burco) lagu aasay oo ah Shan illaa Lix Meelood.”

Maayarka Burco wuxuu sheegay oo kale “Maanta (Shalay) marka laga saaro, Dhimashadu 26-ka Maalmood ee bishan waxay kor u kacday 40%, 26-kaa Maalmood ee bishan waxa Xabaalaha Koonfur ka xiga Burco lagu aasay 142 qof, waxaanu rumaysanahay in Dadkaasi u dhinteen Xanuunka innagu habsaday.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dadweynaha waxaanu u sheegaynaa in Xanuunku uu meel halis ah nala marayo, si halis ahna u fidayo, si dhakhso ahna Dadka u dilayo, Dadkii waayeelka ahaa ee uu ku dhacay 20 Daqiiqo ayuu ku dilay.”

Maayarku wuxuu Dadweynaha ugu baaqay inay digtooni muujiyaan oo ku dhaqmaan Talooyinka bahda Caafimaadka, si looga bedbaado halista Xanuunka Covid_19, kaasi oo Somaliland iyo dunida inteeda kaleba dhibaato ku haya.

Geeska.net/Hargeisa Office