Guurtida Oo Ku Talisay In La Abuuro Xeer Lagu Joojiyo Tahriibka

1
590

Picture3Hargeysa (Geeska) – Golaha Guurtida Somaliland, ayaa shalay war-bixin dhinacyo badan taabanaysay ka dhageystay guddida arimaha bulshada ee Golahaasi, waxayna markaa ka dib xildhibaanadu war-bixintaasi ka dhiibteen fikrado la xidhiidha sidii waxqabad loogu bedali lahaa war-bixintaasi.

 

Guddoomiyaha Guddida arimaha bulshada ee Golaha Guurtida Somaliland Muxumed Aw Axmed Xaaji Aaden oo Mudanayaasha Guurtida u akhriyey war-bixin sidoo kale ku talisay inay Telefiishanada Somaliland laga joojiyo Filimo ay ku tilmaameen dhaqan xumo iyo Wasaarada arimaha guduhu wax ka qabato dadka ajaanibka ah ee dalka ku soo bedanaya, ayaa isaga oo ka hadlaya arimaha Tahriibka iyo sida ugu haboon ee wax lagaga qaban karo yidhi “Tahriibku dhibaato ayuu ku yahay qaranka, waana arin dhibaato ah oo da’yarteenii saamaysay, in wax laga qabtana waa loo baahan yahay, wax ka qabashadeeduna horta waxa loo baahan yahay in shir qaran laga yeesho”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay “in labada golle (Wakiilada/Guurtida) iyo xukuumaddu ay ka soo saaraan sharci lagu kaantaroolayo Tahriibka, waayo qoysaskii iyo dhaqaalihii ayay saamaysay oo aabihii gurigiisa ayuu iibinayaa marka la yidhaahdo inankaagii-baa saxaraha ku xidhan, waxaana dhacday in iyagga oo qaarkood saxaraha lacag ku bixiyey inay dhinteen oo jidhkooda laga dhigtay (Spare Parts)”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Maxaa ugu wacan Tahriibka odhan mayno oo mushaakil badanbaa iska jira, laakiin muhiimadu waa sidii loo joojin lahaa, Dhalinyarada Tahriibaysa gaadiidbaa qaada iyagga oo aan lacag laga qaadin, cidbaa maalgalinaysa, waana la ogyahay, haddii aan la ogeyna waa dhaliil jirta”

Dhanka kale, Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa shalay ansixiyey xeerka Maamuska Madaxwaynaha, Madaxwayne ku xigeenka iyo weliba Mudanayaasha Baarlamaanka Somaliland (Xeer Lambar 62/2013).

Fadhigii shalay oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada isla-markaana ay ka soo xaadireen 44 xildhibaan, ayaa cod caqliyad ah lagu meel-mariyey xeerkaasi oo Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka xilka haya ama soo maray inay qaataan lacag la mid ah mushahar, si loogu maamuuso.

Sidoo kale, xeerkan oo ay ogolaadeen 38 xildhibaan, laba diideen, 3-na ka aamuseen, ayaa waxa xildhibaanada baarlamaanka u ogolaanayaa in marka xilku ka dhamaado sagootin ahaan loo siiyo lacag u dhiganta mushaharka 12 bilood ama hal sano.

Comments are closed.