Haweenaydii Labaad Oo Toddobaad Gudihii Lagu Dilay Caasimada Hargeysa

0
621

Hargeysa (Geeska) – Ciidamada amaanka Magaalada Hargeysa, ayaa ku guul-dareystay inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglayaal habeen hore gabadh ku dilay inta u dhaxaysa xaafaddaha Jigjiga yar iyo Xero-awr ee Magaalada Hargeysa.

Gabadhan oo Alle ha u naxariistee Magaceedu ahaa Cawo Qaasim Ibraahim Warsame, ayaa habeen hore ay toorey ku dileen koox aan la aqoonsan, balse loo badinayo inay ahaayeen tuug ka soo raacday halkii ay Marxuumadu kaga degtay bas ay ka soo raacday xarun waxbarasho oo ay dhigan jirtay.

Marxuumadan oo sida Magaceedaba ka muuqata uu Adeer u ahaa Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa gacan ku dhiiglayaashii dilay aan ilaa hadda ciidamada kala duwan ee amaanku aanay gacanta ku hayn.

Dilka gabadhan ayaa ku soo beegmaya xili toddobaadkii hore xaafadda calaamadaha ee Magaalada Hargeysa lagu dilay gabadh, taasi oo la sheegay in cid aan la aqoonsan isla-markaana aan ilaa hadda gacanta lagu soo dhigin ay ku dhufteen saddex xabo oo rasaas ah.

Gabadhan lagu dilay xaafadda calaamadaha oo la sheegay inay ahayd hooyo dhowr carruur ah lahayd, ayaan ilaa hadda la garanayn sababta dilkeeda keentay.

Ciidamada amaanka, ayaan ilaa hadda ka hadal labada dumar ah ee Hargeysa lagu dilay, iyadda oo dilka labada dumar ahi ay yihiin wax Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland-ba ku cusub oo u baahan in ciidamadu tallaabo adag ka qaadaan dadkii ka geystay.