Khilaafkii Xisbiga KULMIYE Oo Soo Noolaaday, Muuse Biixi Oo Ka Baxay Kulan Madaxtooyada Ka Dhacay Iyo Xoghayaha Guud Oo Muddeeyay Shirka Golaha Dhexe

0
591

Picture7Hargaysa(Geeska)-Khilaafkii xisbiga KULMIYE, ayaa mar kale u muuqda inuu soo noolaaday, ka dib markii la isku fahmi waayay kulan shalay ka dhacay madaxtooyada oo ay wada yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen xubno ka tirsan hoggaanka xisbigu uu Madaxweynuhu guddoomiye Muuse ugu soo bandhigay inuu iclaamiyo dib u dhigista shirkii golaha dhexe ee KULMIYE oo uu ugu tallo galay inuu bacda Ramadaan qabsoomo, laakiin kulanka ayaa la sheegay inay mar keliya xaraaradiisu is bedeshay, waxaana lagu war helay guddomiye Muuse Biixi oo isagoo cadhaysan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha. Warar soo baxaya oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in guddoomiye Biixi uu ku hanjabay inuu is casili doono. Muuse Biixi oo aanu isku daynay inaanu arrimahan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.

Hase yeeshe khilaafka soo noolaaday waxa laga dhadhansan karaa warsaxaafadeed uu kulankaas ka dib soo saaray xoghayaha guud ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, oo lagu mudeeyay shirka golaha dhexe ee xisbigu inuu qabsoomo bacda Ramadaanta. Warsaxaafadeedka wuxuu xoghayaha guud ku iftiimiyay in xubno hoggaanka ka tirsani ka soo horjeesteen soo jeedinta madaxweynaha balse ay aqlabiyadoodu la qaadatay. Warsaxaafadeedka uu xoghaye Xasan Siciid Yuusuf soo saaray ayaa u qornaa sidan:  Shir uu isugu yeedhay Maanta (Shalay) oo ay Taariikhdu tahay 24/06/2014 Madaxweynaha JSL Xubnaha Hogaanka Xisbiga, kagana codsaday in shirkii Golaha Dhexe ee mudadiisu ku eekayd Maanta (Shalay) oo ah 24/06/2014 dib loo dhigo muddada lagu jiro bisha Ramadaan.

Sidaas darteed, Xubnaha hogaanka oo ku joogay intooda badan (Majority) waxay ka aqbaleen Madaxweynaha codsigaa isaga ah. Waxaanay go’aamiyeen in shirka dib loogu dhigo illaa inta lagu guddo jiro bisha Ramadaan, lana qaban doono 05/08/2014.”

Khilaafkan KULMIYE ee muuqda inuu soo noolaaday ayaa imanaya laba maalmood ka dib markii ay guddi ganacsato ahi xalisay khilaafkaas, iyadoo uu Muuse Biixi ka tanaasulay murashaxnimadii Madaxweynenimo ee xisbiga gudihiisa.