Guur-U-Meer Derbiyada Ku Dhejiyey Ogeysiis Uu Calaf Ku Raadinayo, Sawirkiisa Iyo Talefankiisa Oo Saacado Gudahood Ay Boqollaal Dumar Ahi La Soo Xidhiidheen

0
888

Picture8New York (Geeska)- Nin 50 jir ah oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa sawirkiisa ku dhejiyey shaaracyada iyo derbiyada magaalada si gabadhii ku qanacdaa ay ula soo xidhiidho oo ay u bilaabaan haasaawe ay ugu gogol xaadhayaan guurkooda.

Ninkan oo lagu magacaabo Dan Preno oo muddo dheer kelidii noolaa ayaa go’aansaday in uu raadiyo gabadhii uu ka dhigan lahaa wehelka nolosha, waxa uu nafta ku qanciyey in sida ugu sahlan ee uu gabadh ku heli karaa ay tahay in uu sawirkiisa ku dhejiyo darbiyada degmada Manhattan ee magaalada New York, si gaar arh waxa uu ugu dhejiyey sanduuqa boosta ee shaaracyada ku yaalla, tiirarka laydhka iyo boodhadhka lagu calaamadiyo goobaha baabuurta la dhigto, warqaddan ayaa sawirka Dan waxaa ku hoos qoran ereyo macnahoodu yahay, “Waxa aan raadinayaa gabadh” iyo lambarka talefankiisa. Dan waxa uu ku doodayaai n habkani uu yahay sida ugu fiican ee gabadhu iyada oo kelideed ah inta ay ka bogato muuqaalkiisa, ka fikirto xidhiidhkiisa kadibna haddii ay ku qanacdo ay iyada oo xor ah talefankiisa soo garaacayso si ay ugu sheegto in ay diyaar u tahay.

Waa fikir dad badani waalli u arkeen, gaar ahaan marka loo fiirsado warqadda uu dhejiyey Dan oo aad ugu eeg waraaqaha lagu sawirro dembiilayaasha ee booliisku inta ay shaaracyada ku dhejiyaan ku qoraan, “Booliiska la raadi”, laakiin haddana qofka u fiirsadaa waa uu arki karaa in ay labada waraaqood kala duwan yihiin. Warkan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay degelka Internet ka ee Oddity Central oo lagu baahiyo wararka maadayska ah iyo qisaska yaabka leh, waxa uu intaas ku darayaa in Dan dhowr saacadood kadib markii uu ogeysiiskan dhejiyey ay talefanka kala soo hadleen dumar tiradoodu boqollaal gaadhayso oo uu sheegay inkasta oo qaarkood ilaaq ahaayeen in haddana qaar badan oo ka mid ahi ahaayeen daacad guur doon ah. Laakiin waxa uu ku doodayaa in dumarkaas la soo xidhiidhay aanu weli ka dhex helin tii uu ku riyoonayey.