Dumarku Guurka Aanay Ku Badhaadhin Waxa Ay Ka Qaadaan Xanuuno Halis Ah Iyo Buurni Xad Dhaaf Ah

0
805

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daah-furtay in raadka taban ee qoyska dhibta iyo buuqa ku abuurmaa yeesho in uu dumarka kaga badan yahay ragga. Waxa ay cilmibaadhistu sheegtay in gabadha oo guurka kadib ninka kala kulanta dabeecado aanay filayn, buuq iyo rabshad in ay ku keento dhiig-kar, isku buuq iyo buurni xad dhaaf ah. Koox khubaro ah oo ka tirsan jaamacadda Utah ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in baadhitaan cilmi ah oo ay natiijadiisa ku soo bandhigeen shir sannadeed ay magaalada Chicago ee dalka Maraykanka ku leeyihiin ururka dhakhaatiirta nafsiga iyo jidhka ee dalka Maraykanku. Waxa ay daraasaddu muujisay in dhibaatooyinka kale ee guurka noocan ahi ku keeno dumarka ay ka mid tahay wadne istaag kedis ah, macaan iyo halbawlayaasha dhiigga oo is xidha.

Waxa kale oo ay daraasaddani muujisay in ragga guurku ka xumaado qudhooduna ay halis u yihiin isku buuq iyo cudurro nafsi ah iyo cudurrada kor ku xusan ee dumarku ay la kulmaan, laakiin mar walba dumarka ayaa uga halis badan ragga. Nancy Henry oo masuul ka ah daraasaddan ayaa sheegtay in kala duwanaanta jinsi ay sabab u tahay in halisaha caafimaad siyaabo kala duwan u ugu dhacdo lammaanaha is qaba.. Waxa ay Nancy sheegtay in jawaab celinta dumarku ka bixyaan mashaakilaadka dhinaca dareenka iyo nafsiga ahi ay ka xasaasisan tahay jawaab celinta ninka.