Guriga Joog Xabsi Ma’aha Ee Waa Waqtigaaga Maalgasho Oo Waxa Aad Jeclayd Fursad U Hel

0
822

Xanuunka dunida ku baahay ee Koroona-fayras waxa uu dawladaha qaar ku qasbay in ay dadka ku amraan in aan guryaha laga bixin, baahi adag wax aan ahayna aanu qofku bannaanka u tegi Karin.

Waa dabeecad aanay dadka badankoodu la qabsan, qofku haddii uu caafimaad qabana waxa uu u arkayaa xabsi iyo caajis. Waxaana suurtagal ah cadho badan iyo dabeecad xumo in uu dadka qaar ku keeno, sida dalal badan ka dhacday, sababtayna in uu kordho furriinka lammaanuhu. Haddaba si muddada guri jooggu inoogu dhaafto khasaaraha ugu yar ee suurtagal ah ah, fadlan raac talooyinkan.

  1. Wax akhri

Waa hab uu qofku ku yarayn karo waqtiga uu tirinayo oo caajis iyo daal ku keenaya, sida oo kalana ku kordhisanayo aqoon. Raadso buugaga cusub oo waxa aad xiisayso khuseeya, si aad waqtiga u dhaafto adiga oo aqoon korodhsaday.

  1. Wax daawo

Barnaamijyo xiiso badan iyo filimo aad wax badan ka faa’iido karto ayaad hore waqti u waayi jirtay. Imika ka faa’idayso oo maalintaada guri joogga ah, qayb ahaan waxa aad ku qaadataa daawashada filimada iyo barnaamijyada ku saabsan mawduucyo aad xiisaynayso. Waxa ay djinaysaa maskaxda, waxa aanay kaa caawinaysaa in aad maskaxda ka nadiifiso caajiska iyo aragtiyihii afarta darbi dhexdooda ku koobnaa oo dhan.

  1. Qoyska

Shaqadii bannaanka guriga ahayd, bixitaankii iyo cawayskii bannaanka guriga ahaa iyo baraha bulshaduba waxa ay ka mid yihiin arrimaha dilay isku duubnidii qoyska iyo isu soo dhowaanshiyahoodii. Guri jooggan qasabka ah uga faa’iidayso in aad kabto wixii arrimahaasi ka xumeeyeen xidhiidhka adiga iyo lammaanahaaga, adiga iyo ubadkaaga, adiga iyo waalidkaa, adiga iyo walaalahaa iyo adiga iyo cid kasta oo kale oo aad guriga wada joogaysaan.

Waqti dheeraad ah sii qoyskaaga, si aad uga baxdo nolosha guri joogga ee cidhiidhiga ah, oo aad guriga u beddesho duni aan laga geyoonayn. Kaftan, sheeko wadaag, iyo ciyaar la wadaag xaaska iyo ubadkaba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here