Awoodda Xakamaynta Nafta: Soo Koobidda Buugga Dr. Maxamed Fiqi (Q:3aad)

0
656

Waa qayb ka leo o ka mid ah taxanaha soo koobidda buugga Awoodda xakamaynta nafta’ee uu qoray Ibraahiim Fiqi (AHUN).

Dhaawaca ugu weyn ee uu qofku naftiisa gaadhsiiyaa, waa malaha xun ee uu naftiisa ka haysto. Laakiin mid kasta oo innaga mid ahi waa uu beddeli karaa ismoodsiis kasta oo taban oo maskaxdiisa ku soo dhaca, waxa aanu maskaxdiisa ku shubi karaa aragti iyo barnaamij togan. Sida aad ku beddeli kartaana waa ay fududahay. Waxa ay ku imanaysaa keliya awoodda aynu u leenahay xakamaynta fikirkeenna. Innaga ayaa iska leh maskaxaheenna, sidaa awgeed hadba sida aynu innagu doonayno ayaa aynu u beddeli karnaa. Fikirkaagu gacantaada ayaa uu kuugu jiraa. Cid aan adiga ahayna ma hagi karto, haddii aanad adigu ogolaan in ay fikirkaaga hoggaamiso. Si fudud marka aan u dhigo fikirkaaga waxa aad u jeedin kartaa jiho bedqabta.

Maskaxda aadamuhu waa isku mid abuur ahaa, waxa aanay u kala faa’iido badan tahay keliya sida qofku uga faa’iidaysto una hawlgeliyo.

Labada qoraa ee Jack Canfield iyo Mark Vinson ayaa buuggooda ‘Dare to win’ (Dhiirro si aad u guulaysato) waa ay ku sheegayaan in aadamuhu guud ahaantiiba marka hore abuur ahaan siman yahay. Dhammaantii uu leeyahay 18 Milyan oo unug oo ay maskaxda aadamuhu ka kooban tahay, taas oo macnaheedu yahay in aanay jirin maskax abuur ahaan kala duwan oo aadamaha ku jirtaa. Waxa keliya ee looga baahan yahayna uu yahay in uu jiheeyo.

Aynu maskaxda u qaybinno laba qaybood oo ah; ‘Maskaxda joogta iyo maskaxda daahsoon’ Ta joogtaa waa qaybta qaabilsan ururinta xogta, kaddib waxa ay xogtaas u dirtaa qaybta daahsoon oo ay ku quudiso. Qaybta daahsoon ee maskaxdeennu kama fikirto, mana rogrogto xogta, balse keliya waa ay kaydisaa, kaddibna hadhow ay dib u soo celisaa kaydkii loo dhiibay iyada oo aan ka fikirin ama wax aragti ah ku darsan.

Haddaba marka aynu arrintaas cilmiga ah ka duulno. Waxa aad ogaataa in haddii aad naftaada u sheegto in aad awood badan tahay, in aad faraxsantahay, in aad leedahay karti aad dhibaatooyinkaaga ku xallin kart, kaddibna aad intaas ku celceliso, qaybta maskaxda ee daahsoon ayaa kaydinaysa, kaddibna iyada oo sideedii u ilaashan ayaa ay soo celinaysaa oo naftaada ku dhaqaysaa.

Laakiin hawshu sidaas aad moodayso uma fududa, ee waa in loo maraa xeerarka suurtagelinaya barnaamijaynta maskaxda daahsoon.

Waa in farriinta aad maskaxda dambe ku kaydinaysaa ay noqoto:

  1. Mid cad oo qeexan. Waa in aanay noqon arrin aan caddayn iyo wax aan la garan Karin sawirkiisa iyo muuqaalka uu yeelanayo, si aanay maskaxdu jaahwareer uga qaadin.
  2. Mid togan. Waa in aanu noqon wax taban oo dhibaato iyo xanuun abuuraya.
  3. Mid ku tusinaysa waqtiga aad joogto. Waa in aanay noqon wax laga soo gudbay ama aan waqtigiisu dhoweyn.
  4. Mid dareen xooggan oo niyad ah iyo run ahi la socdo. Waa in aanu noqon arrin marka horeba madow ku jiro ama aan maskaxdaada si sax ah uga soo go’in e walaac la ku lammaan yahay.
  5. Mid aad ku celceliso si ay maskaxda uga dhaadhacdo. Waa in aanay noqon arrin aad marmar uun ka fikirto ama si guud u eegto, balse ay noqoto arrin si aad ah aad maskaxdaada ugu soo celcelisay suurtagalnimadeeda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here