Guriga Cad Iyo Hinaasaha Afooyinka: Xaaskii Hore Ee Trump Oo Sheegatay In ‘Marwada Koowaad’ Iyo Jawaabta Melania

30
3401

Washington (Geeska)- Xaaskii hore ee madaxweynaha Maraykanka Ivana Trump oo ay wada joogeen intii u dhexeysay 1977 illaa 1992 kii, ayaa isku sheegtay, ‘Marwada Koowaad’ mar ay dhowaan waraysi siisay talefishanka ABC oo ay uga warßramaysay buuggeeda xusuusqorka ee ay soo saartay. Xaaska uu imika qabo Trump oo ah Marwada Koowaad ee Maraykanka ayaa markiiba ka jawaabtay hadalka marwada hore, oo ay ku tilmaamtay, ‘Magac raadis iyo in ay indhaha dadka isku soo jeedinayso’

Ivana oo Trump u dhashay saddex carruur ah oo ay ku jirto inantiisa Guriga Cad awoodda ku leh ee Ivana Trump ayaa ku andacootay in ay haysato lambar taleefan Guriga Cad ah oo ay toos ugala xidhiidhi karto odaygeeda hore. Iyada oo weliba ku faantay in ay laba toddobaad oo kasta hal mar la hadasho madaxweynaha, laakiin ay aad isu dhowrto, oo sababta aanay joogto ugula hadlin ay tahay dhowris ay dhowrayso shucuurta xaaskiisa hadda, “Ma doonayo in aan hinaase iyo wax la mid ah abuuro” ayaa ay tidhi Ivana. Waxa se ay dadka kaga yaabisay markii ay hadalka sii wadday ee ay sheegtay in ay iyadu tahay marwada koowaad, “Asal ahaan aniga ayaa ah xaaskii koowaad ee Trump, ma garatay? Aniga ayaa ah Marwada Koowaad” In kasta oo ay ereyadaas qosol raacisay qosol u muuqda in ay ku qaboojinaysay.

Markiiba waxaa hadalladan ka soo jawaabtay marwada koowaad ee maraykanka oo ereyo kulul oo ay CNN u soo marisay agaasimaheeda warfaafinta, “Marwo Trump (Melania), iyada iyo wiilkeeda Barroon iyo madaxweynaha ayaa deggen Guriga Cad. Waxa ay ku sharfantahay kaalinteeda ah Marwada Koowaad ee Maraykanka” Melania oo u muuqata in ay Ivana ku dhalleecaynayso in sababta hadalkan oo dhan ka keentay ay tahay in ay indhaha dadka ku soo jeediso buuggeeda cusub ayaa intaas ku sii dartay, in ay xilkeeda iyo maamuuska ay Guriga Cad ku leedahay uga faa’iidaysato in ay ku caawiso carruurta, ee aanay uga faa’iidaysan buug iibinta.

Waxaa xusid mudan in furniinkii Ivana iyo Trump ay sababtiisu ahayd hinaase, kadib markii ay xilligaas soo baxday fadeexad warbaahintu qortay oo sheegaysay in maalqabeenka Trump uu xidhiidh jacayl la leeyahay gabadh kale oo uu ka qariyo xaaskiisa Ivana.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here