Guri God Ah Oo Dhulka Hoostiisa Laga Helay Ayaa La Filayaa In Uu Yahay Hoygii Carruurnimadii Nebi Ciise (CS)

0
842

Ken Dark oo ah bare-sare oo ah khabiir ku xeeldheer cilmiga raadraaca aataarta iyo xidhiidhka ka dhexeeya aadamaha iyo qalabka hadhaadiga ah ayaa  godad taariikhi ah ka helay magaalada Naasirah ee dhulka Yuhuuddu ay Carabta ka qaadday.

Baresare Ken Dark oo ka tirsan jaamacadda ‘Reading’ ee dalka Ingiriiska ayaa muddo 14 sano ah waxa uu waday daraasaad u uku ogaanayo halka ay ku aroorto taariikhda lahaanshiyo ee god sida muuqata hoy ahaa oo baadhisu caddaynayaan in la isticmaalayey bilowgii qarnigii koowaad ee taariikhda dhalashadii nebi Ciise (CS).

Ken Dark waxa uu sheegay markii ugu horreysay oo ahayd qarnigii 19naad in godkan aqalka ah, daraasaadkii lagu sameeyey ay u aqoonsadene in uu yahay gurigii Nebi Ciise iyo Maryam deggenaayeen. Laakiin soddonaadkii qarnigii hore ayaa ay arrintan ka hor yimaaddeen saynisyahanno kale oo baadhiso ku sameeyey. Taas ayaana sababtay in muddo la iska illaawo godkan oo loo arkay in aanu sidaas muhiim u sii ahayn, illaa laga soo gaadhay sannadkii 2006-dii oo ah markii uu baresare Dark bilaabay mashruuc uu mar kale dib ugu celinayo baadhista godkan. Natiijada ka soo baxdayna ay noqotay mid taageeraysa middii bilowgii la diiday ee ahayd in godkani uu hoy u ahaa Nebi Ciise (CS) xilligii carruurnimadiisii oo ay isaga iyo hooyadii deggenaayeen.

Darka oo ah Ingiriis dhashay 1961 kii, waxa uu ku xeeldheeryahay cilmiga ‘Archaeology-ga) oo baadha xidhiidhka ka dhexeeya qalabka iyo aqallada aasaar ahaanta loo helo iyo taariikhda dadkii isticmaali jiray. Waxa aanu ka tirsan yahay jaamacadda caanka ah ee ‘Reading’ oo dalka Ingiriiska lagu aasaasay sannadkii 1892 kii.

Magaalada godkan laga helay ee Naasira waxa ay ka mid tahay dhulka hadda Israa’iil ka dhisantahay ee ay Carabta ka qaadday sannadkii 1948, laakiin deegaankeeda waxaa weli iska leh dadka Carbeed ee asalka u lahaa.

Sida uu sheegayo kitaabka Masiixiga ee ‘Cahdiga cusub’ loo yaqaannaa magaaladan ayaa uu Nebi Ciise deggenaan jiray carruurnimadiisii. Sidaas awgeed waxaa sannad kasta xus diineed ku taga tobannaan kun oo masiixiyiinta adduunka ah.