Talooyin Qofka 40 Jir Gaadhay Ka Caawinaya Sida Uu U Ilaalin Karo Midabka Dabiiciga Ah Ee Maqaarka

0
720

Qofku marka uu gaadho da’da afartan jirka, gaar ahaan haweenka waxaa ku dhaca isbedello dhinca abuurta ah oo wejiga u badan. Sababta ugu weynina waa hoos u dhaca heerka hormoonnada qofka ku imanaya. Raadadka ugu horreeya ee arrintani keentana waxaa ka mid ah midabka dabiiciga ah oo isbeddel ku yimaaddo.

Shabakadda ‘Step to Health’ oo laga leeyahay dalka Maraykanka, ayaa warbixin ay dhowaan faafisay waxa ay ku sheegtay mar kasta oo da’da qofku weynaato in ay hoos u dhacaan heerarka hormoonnada ‘Estrogen’ iyo ‘Progesterone’ oo ka masuul ah ilaalinta dhalaalka ku lammaan midabka dabiiciga ah ee maqaarka, taas oo muddo kaddib keenta in uu khafiifo maqaarku iyo in uu engag badan ay yeesho.

Haddaba waxa xeeldheereyaashu ku talinayaan qfofku marka uu gaadho Afartan jir in uu beddelo nidaamkii hore uu jidhkiisa ugu daryeeli jiray. Sababta ugu weyni waa in jidhku uu afartan jidhka ka hor jilicsan yahay, xariirna yahay, sidaas awgeed si dhaqso ah dufanku wax ugu tarayo, laakiin afartanka kaddib uu adayg gelayo, isla markaana dabcayo, haddii aanu coodhcoodh ku bilaaban ba.

Talooyinkan hoose ayaa ay xeeldheereyaashu ku talinayaan

  1. Marka aad hurdada ka toosto waxa aad wejiga ku dhaqdaa saabuun iyo biyo diirran. Kaddib isticmaal shaambooga ama saabuunta kale ee aad jidhkaaga sida caadiga ah ugu maydho. Waxaa fiican in qofku uu habkan raaco habeenkii iyo maalintii labaadaba maalin kasta.
  2. Ku dadaal dux siinta maqaarka. Qoynta iyo in la dhaasho maqaarku waxa ay ka mid tahay caadooyinka muhiimka u ah marka la doonayo in la helo maqaar muuqaal ahaan leh da’ ka yar 40 jirka. Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in qofku uu da’dan ku bolaabo kiriimada ka hortagga gaboow. Ku dadaal in aad hesho kiriim kuwa habeenkii loogu talagalay in lagu seexdo ah, gaar ah kiriim leh maaddooyinka ka hortagga calaamadaha gabowga.
  3. Maqaarkaaga ka ilaali fallaadhaha qorraxda, gaar ahaan marka aad gaadho da’da Afartan jidka waxaa muhiim ah in aad isticmaasho kiriimada maqaarka ka caabbiyo khatarta qorraxda kaga iman karta.
  4. Xoqitaanka wejiga ee lagu daadinayo qolofta iyo unuygada dhintay ee maqaarka saaran, waxa ay caawisaa in maqaarka ay ka tagaan unugyada dhintay, isla markaana ay cusboonaysiiyaan unugyada maqaarka. Habka ugu fiicani waa in aad dhakhtarka maqaarka ah kala ashato noocyada kiriimo iyo saabuunaha ku fiican maqaarkaaga, si looga hortago in maqaarku uu engage.
  5. Soddon jirka kaddib, mar kasta oo da’da qofku sii weynaato waxaa hoos u dhaca awoodda uu jidhku u leeyahay in uu nuugo nafaqooyinka iyo macdanaha kala duwan ee cuntada ku jirto, taas oo ah waxa loo yaqaanno dheefsiga. Miisaanka badan ayaa isaguna sababa hoos u dhaca dheefsiga, taas oo ay khatartiisu sii badanayso marka uu qofku da’dan gaadho. Ku dadaal in aad miisaanka dheeraadka ah riddo, jimicsigana joogto ka dhigo.
  6. Faytamiinnada C iyo E waxa ay waxa ay u fiican yihiin caafimaadka iyo quruxda maqaarka, gaar ahaan marka uu qofku gaadho da’da afartan jirka. Da’dan kaddib joogto ka dhigo in aad isticmaasho cuntooyinka ay labadan faytamiin ku jiraan.
  7. Haddii ay gabadhu gaadho da’da afartan jirka waxaa u fiican in weji dhiska (Make Up) ay samaynaysaa uu khafiif noqdo. Lakabka bootarrada iyo kiriimada ha ee wejiga la mariyaa waxa uu muujiyaa coodcoodhka iyo laymamka maqaarka wejiga ku samaysma.
  8. Biyuhu waxa ay u fiican yihiin guud ahaanba caafimaadka qofku da’ kasta oo uu yahay. In qofku uu biyo ku filan cabbaa waxa ay ka mid tahay waxyaabaha ilaaliya quruxda iyo dhalaalka dabiiciga ah ee wejiga. Haddii uu qofku da’da 40 jirka gaadho waa in uu ku xisaabtamo cabbitaanka biyo ka badan intii uu hore u cabbi jiray.