Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Qaybo Ka Mida Saxaafada Somaliland Dhawaan Kulan Isugu Yeedhay lana wadaagay Baahinta iyo Midnimadda Danaha Qaranka

0
215

Hargeysa ( Geeska) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID engineer Faysal Cali waraabe ayaa dhawaan madal ku kulmiyey badi saxaafadda dalka. Kulanka Gudoomiyaha iyo saxaafadda ayaa taabanayey arimo badan oo masiirka Somaliland iyo midnimadda qaranka tiir dhexaad ah u ah.

Gudoomiyaha ayaa madasha suxufiyiinta u cadeeyey taariikhda Somaliland iyo sida maanta ay u leedahay cadow dhinacyo badan leh, kaas oo Somaliland qaranimadeeda dumintiisa isku kaashaday. Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in sanadihii 1988 kii ay la mid tahay ta Somaliland lagu soo qaaday, taas oo Somaliland dalkeeda iyo dadkeeda ku xoraysay midnimo iyo is-kaashi dhinac u wada jeeda.

Gudoomiyaha arinkaas ka hadlaya wuxu yidhi “Intii aan soo Somaliland eegayey maanta ayey ugu darantahay ilaa 1988kii, waxa jirtay markii dalka oo dhan laynaga saaray ilaa Ceerigaabo, hadana inagoo wada Qaxoonti ah soo dalkeeni maynu dhacsan? Laascanoodna waynu dhacsan doonaa iyo Xuduudeena. Shacabku yaanu war-warin oo niyad jabin, horta wax wayn maha ee waxay tahay in aynu is abaabulno”.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Somaliland dhawaan shirku qaban doonto Magaalada Bali-Gudbadle, shirkaas oo uu sheegay in uu la mid yahay kii 87kii aynu ku qabsanay sheikh madar. Shirkan ayuu sheegay gudoomiyuhu in aan danaha qaranka lagaga tashanayo, wuxuna noqon doonaa mid laba kac layn ah, oo cadowga Somaliland ku soo duulay lagaga arinsan doono. Wuxuna yidhi “1988 kii markii laynoo tashaday waxaynu ku shirnay sheikh Madar, maantana waxanu wadnaa in lagu shiro Bali-Gubadle, taas oo ah laba kaclayn.”

Dhinaca kale, Saaxafadda Somaliland ayaa gudoomiyhu u sheegay in ay kala gartaan wixi qaranimadda ka soo horjeeda ee dalka jabku ah iyo wixi waxtaraya, sidoo kalena aanay baahin,  iskana hubiyaan oo aanay ku kadsoomin erabixinaha ay saxaafadaha cadawgu isticmaalayaan in ay qataan. Gudoomiyaha oo hadalkiisa wata wuxu tusaale u soo qaatay “wixi nayloo bixiyo ayeynu qaadana, waxad dhahdaan SSC, waa afkoodii laakin waa Maleeshiya”. Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa ku daray, cidii aad waraysanaysaan, hadii wax qaranka wax-yeelaya ay ku hadlaan ha baahinina, gaar ahaan dadka aan masuulka ahayn.

Ugu dambayn Gudoomiye Faysal Cali waraabe ayaa walaac ka muujiyey xaaladda maxaabiista ciidamada Somaliland ee laascanood ku xidhan. Sidoo kale wuxu dhaliil u soo jeediyey xukuumada iyo Qaranka Somaliland guud ahaan in aan laga war-hayn ciidamada ku xidhan laascanood.

Gudoomiyaha oo xaalada maxaabista ka waramaya waxa  hadalkiisa ka mida ahaa “Waxaanu ogaanay in maxaabiisteeni in mar mar cuntada la siiyo, hay’adda bisha cas cidba halkan uga wakiila, soo maha in ay waydiino dadkeeni xaalka ay ku sugan yihiin iyo  siday ku noolyihiin. Inaga oo aan ka tacsiyadayn, kana war hayn Ciidamadeeni wixi ku dhacay iyo xaalada ay ku jiraan  Inaguna waynagan iska dabaal-dagayna ee xafaladaha iyo bugaagta iska furanayna”.  

Gaba-gabadii gudoomiyaha ayaa suxufiyiinta kula dar-dardaarmay in ay marka dalka laga hadlaayo fariin isku mida oo qaranka dhisaysa ay diraan ama baahiyaan. Midaynta fariinta togan ee qaranka ayaa furo u ah midnimadda shacabka iyo in dalku dadkisa iyo xuduudihiisa difaacdo.