Golaha Guurtida Jamhuurida Somaliland ayaa Mudanayaasha U Qaybiyey Maanta Ajandaha Kalfadhiga Golaha

0
237

“Xeerka doorashooyinka ee golaha loo soo  gudbiyey nuxur ahaan aad buu u wanaagsan yahay…” saleban Maxamuud Aadan

Shirka Kal-fadhigga 83aad ee golaha Guurtida Somaliland ayaa furmay maalintii axada ee todobaadkan.

Gudoomiyaha golaha guurtidda saleeban Maxamuud Aadan ayaa shirka Kal-fadhiga ka bilaabay warbixinta,  isagoo arimaha amniga dalka kaga hadalay. Gudoomiyaha ayaa mudanayaasha la wadaaggay in xubno ka tirsan golaha guurtida ay ku maqan-yihiin xalinta colaad-beleedyada Ceel-Afwayn iyo Cali-Saahid, taas oo uu sheegay in Xubno kalena lagu kordhin doono si colaadda beelaha loo soo afjaro,  wuxuna gudoomiyuhu sheegay in ay filayaan in muddo todobaad ah ay ku soo dhamaanayso arinka Nabadaynta.

Dhanaca kale, Gudoomiyaha ayaa ka hadlay arinka Dagaalka Barriga dhexe ee Qassa  iyo dhibaatada shacabka falastiin, taas uu sheegay in ay aad uga xun yihiin. Gudoomiyaha ayaa Dawlada Maraykanka ku dhaliilay in ay si dhinaca xalka u galayso, isla markaana ay dagaalka Israa’iil ku-garabsiinayso, halkii ay ahayd in ay xal-dhex-dhexaadda ka gali lahayd.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale, mudanayaasha ku wargaliyey in Xeerka doorashooyinka uu golaha guurtida soo gaadhay, isla markaana ay dhawaan shaqadooda ka gudan donaan. Waxana hadalkiisa ka mida ahaa “Xeerka doorashooyinka ee laynoo soo gudbiyey nuxur ahaan aad buu u wanaagsan yahay, wixi qurxinana awalba waad qaban jirteen,hadii guddi loo baahdana waynu u saaraynaa

Ugu dambayn, shalay isniintii ayaa Mudanayaasha golaha waxa loo qaybiyey Ajandaha kalfadhigan, kaas oo guud ahaan ku saabsana ansixinta Xeerarka golaha horyaala, Nabad-galyada iyo horumarka Bulshada, waxbarashada, degaanka iyo hawl-maalmeedka golaha iyo gudiyadiisa.

Ugu dambayn, dooda kalfadhiya ayaa la filaya in ay bilaabanto maalinta sabtida fooda inagu soo haysa.