Wasiirka Wasaarada Horumarinta Beeraha oo ka digay ayax Somaliland ka soo galay dhinaca Xeebaha dalka Yaman

0
291

 

Nooca ayaxa “Swam locust” ayaa Wasaarada Horumarinta Beeruhu xaqiijisay in lagu arkay degaano hoos taga Gobolada Awdal iyo Saaxil

Hargeysa (Geeska) Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha Mudane Cabdiqadir Imaan Warsame ayaa maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskisa, isaga oo sheegay in Dalka uu soo galay Ayax kaga yimi dhinaca xeebaha dalka yaman.

Wasiirka ayaa sheegay in ayaxa soo gaadhay gobolada galbeedka Awdal iyo saaxil, sidoo kalena uu yahay ayax qaan-gaadh ah wuxuna diginin u diray bulshada Beeralayda ah.

Wasaaradda Horumarinta Beeraha ayaa ka diyaar garowday xakamaynta ayax, wuxuna sheegay wasiirku in Somaliland aqoon iyo digaar garow fiican ka samaysay arimaha ayaxa kaas oo baabiiya dalagga beeraha iyo baadka xoolahaba.

Nooca ayaxxan oo wasaaraddu ku sheegay “Swam locust” ayaa la xaqiijiyey in lagu arkay degaanada ay ka mid yihiin Gargaara Barri, galalooley, Ceel-gaal iyo Cabdi-geedi.

Wasiirka ayaa sheegay in dhinaca gobolka saaxil uu duljoogo ayaxu dhinaca xeebta Berbera dusheeda, taas oo halis noqon karta in uu dhinaca Buuralayda koonfurta iyo beeraha  u soo gudbi karo, gaar ahaan beerlayda degaanka daray-godle iyo laaso dawaco.

Wasaaradaa ayaa Bulshada beeralayda iyo reer Guraagga ku boorisay in ay wasaarada la soo wadagaan hadii ay arkaan nooca ayaxa astaamaha huruuda balashiisu yihiin, kaas oo ka dhigan in uu yahay kii waxyeelada lahaa.

Wasiirka ayaa bulshada ku wacyigaliyey in ayaxa koronkorada dhigatay hadii heerkul ku haboon uu helo ay dilaaci karto mudo todobaad ah, hadii se cimiladu ay saacidi waydo ay qaadan karto mudo gaadhaysa ila 5 bilood, sidaa awgeedna in markasta laga war-hayo wixi ka soo kordha degaanadda uu soo maray ayaxu.

Hadaladii wasiirkana waxa ka mida ahaa” waxan bulshada u sheegaya wax khatar ah oo wayni ma jirto hadda, laakin waa digniin taxadar leh oo ah in uu ayaxii inoo bilaabmay sidii aynu uga hortagi lahayna aynu falawgeeda samaynayno”