Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya Oo Ku Hawlan Sidii Uu Dawladda Kenya Ugu Qancin Lahaa Inay Dabciso Mawqifkeeda Qaddiyadda Somaliland

0
668

 

 

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin Dawaare, ayaa ku hawlan inuu debciyo siyaasadda dawladda Kenya ee ku waajahan qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland.

Dawladda Kenya ayaa ka mid ah dalalka bariga Afrika ee ka soo horjeeda qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, waxaanay dawladda Kenya saddex sannadood  ka hor ka ololaysay in shir ay wasiirada khaarajiga ee dalalka Afrika ku lahaayeen Gaana lagu soo hadal qaado qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland taas oo uu soo bandhigay wasiirkii arrimaha dibadda ee dalkaas Gaana, waxaana arrintaas aad uga ololeeyay Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaas Mr. Moses Watengula oo garab ka helay ergaygii dawladii Cabdillaahi Yuusuf u fadhiyay Midowga Afrika iyo weliba dawladda Yugaandha. Hase yeeshe guddoomiye Faarax Macalin oo muddooyinkan dambe xidhiidh wanaagsan la leh dawladihii kala dambeeyay ee Somaliland ayaa ku gudda jira sidii uu wax uga bedeli lahaa mawqifkaas dawladda Kenya, waxaana sida ay warar xogogaali u sheegeen Wargeyska Geeska Afrikauu arrintan kala hadlay isla wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Moses Watengula iyo masuuliyiin kale, waxaanu xataa haddii ay suurtogasho uu Md. Faarax Macalin qorshaynayaa in wefti ka socda xukuumadda Kenya oo uu hoggaaminayo Wasiirul khaarajiga dalkaasi ay safar ku yimaadaan magaalada Hargeysa. Balse waxa la sheegay inuu Faarax Macalin tabayo kaalintii wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ku lahayd dalalka bariga Afrika.

Faarax Macalin ayaa dhawaan door muhiim ah ka ciyaaray kulankii dhex maray Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi iyo Raysalwasaaraha Kenya Raila Odinga, waxaanu Wasiir Khaliil xilligaas hoggaaminayay wefti ka socday dawladda Somaliland oo Somalida ku jirta xeryaha qaxoontiga Kenya gaadhsiiyay deeq ay iska ururiyeen umadda iyo dawladda Somaliland, taas oo ay dawladda Kenya soo dhawaysay.