Dr. Sacad Oo Madaxweynaha Uga Digay Kacdoon Dadweyne Iyo Faysal Oo Sheegay Inay Taliso Cid Aan Madaxweynaha Ahayni

0
680

 

Hargeysa(Geeska)-Madaxda xisbiyada mucaaradka ee UDUB iyo UCID ayaa si ba’an u weeraray Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo siyaasadihiisa kala duwan ee dibadda iyo cadaalad u qaybinta manaasiibta dalka.New Picture (4)UDUB iyo UCID, waxa ay shalay shirjaraa’id ku qabteen magaalada Hargeysa, waxaanay ka dhawaajiyeen dhaliilo iyo eedaymo tiro badan oo ay u jeediyeen xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka Maraykanka Ambassador Sacad Sheekh Cismaan Nuur, oo ugu horayn shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa si adag u dhaliilay siyaasadda dibadda ee Somaliland, waxaanu ka digay shirarka ay xukuumaddu ka qayb gasho ee ay fadhiyaan maamul goboleedyada Somaliya,  “Fikirka gooni isutaago wuxuu ka soo burqaday shirkii ka dhacay Burco 1991-kii, haddaba ilaa maalintii xukuumadani ay maamulka timid waxaad moodaa in siyaasadii dib looga noqday, horena waxaan u idhi siyaasadii arimaha dibadu way badhxan tahay, gudaha iyo dibadana waxaad moodaa in dib laga noqday gooni- isu-taagii ama waxaad moodaa in waxa la wadaa ka turjumayso in dib looga noqday jiritaankii iyo madax-banaanidii Somaliland.” Ayuu yidhi Sacad, waxaanu intaas raaciyay “Sidaas awadeed anigu waxaan jeclaan lahaa in aan sheego arintani arin soconaysa in aanay ahayn, arintii ka bilaabmatay 2009 magaalada Washington shir uu ugu yeedhay nin la odhan jiray Donald Payne oo ku jira Koongareeska Maraykanka,  ayaa uu ku bilaabay xisbiga Kulmiye  isaga oo mucaarada inuu cid u soo diro tii uunbaad moodaa shirarkii ka danbeeyay ee laysugu tagay ee la yidhi Somaliya ayaa wax loogu qabanayaa ee ay ku hadoodilantahay siyaasad ah in gooni isu taaga Somaliland lagu wiiqo inuu maamulkani tagay, iyada oo ay u eegtahay markaad dhinackasta ka eegto inay aqbaleen in ay Somaliland noqotay maamul gobaleed, markaan ag fadhisano Galmudug, markasan agfadhiisano Faroole iyo Puntland, markaynu iyo qaar kaloo aanan imika magacyadoodaba garanaynin aan ag fadhiisano dee mid qudhuun bay dunidu kugula macaamiloonaysaa oo ah in siyaasadii arimaha dibada ee Somaliland wax laga badalay, sida qudha ee laga fahmi karaana waa sidaas, waxa laga yaabaa maamulka maanta meesha joogaa in aanu sidaas u arag’oo aanu fikirkiisuba caynkaas ahayn laakiin socodkiisu iyo sida qudha ee looga turjuman karaa sidaas weeye.”

 

Danjirihii hore wuxuu ka digay in Madaxweyne Siilaanyo lala beegsan doono gadood dadweyne, haddii aanu ka noqon shirarka ay xukuumadiisu ka qayb galayso “Dadkan rabitaankiisu maaha in Soomali-weyn lagu celiyo in madax-banaanidooda laga qaado ama xataa wax ka qaadis u eeg loola yimaado, markaa haddii xukuumada Somaliland ka waantoobi waydo tan ay ku jirto maanta inuu kacdoon dadwayne ka dhaco ayaa suurto-gal ah oo ay Hargeysa dhexdeeda ka dhacdo in lala yimaado boodhadh dhaadheer oo ah TAG, markaa arintaa umadda halaga joogo ayaanu leenahay.” Ayuu yidhi Dr. Sacad Sheekh Cismaan Nuur.

Guddoomiyaha UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlay isna shirkaas jaraa’id ayaa sheegay inuu dalka musuqmaasuq dishooday, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Xukuumadan Madaxwayne Axmed Siilaanyo madaxda ka yahay ee dadka ka dhaxaysa waxay moodaa inay u isticmaalayaan sidii wax ay lahaayeen oo ay soo dhacsadeen oo sida ay doonaan ayay ka yeelayaan, tacabkii Somaliland ee ay tobanka sanadood ee dagaalka ku jireen iyo toban sanadood oo ay ku jireen gaajo iyo cuno-qabatayn ah waxaad moodaa inuu u burburayo maamul xumo, Madaxwayne Siilaanyo waxa uu u yimid dawlad dhisan ha jilicsanaate laakiin maamul adag oo midaysan ah oo shacabka iyo asxaabta u dhaga-nugul, maanta inaga oo aan la ina ictiraafin oo qalfoof ah ayaa wixii dawladihii Afrika baa’biiyey ee tii aynu ka go’nay baa’biiyey ayaa Somaliland ka bilaabmay, waxaasina waa musuqmaasuq oo wax alaale iyo wixii dalka soo gala ninba halka uu doono ayuu ku cunaa, wasaarada maaliyadu dhinaceeda way ka soo baxday oo cashuurtii way hagaajisay laakiin waxa jirta mucaawimo intaa ka badan oo aan wasaarada soo marin, musuqmaasuqu halka uu marayo waxa uu ku xasuusinayaa halkii uu marayey maalmihii ay dawladii Soomaliya dhacaysay, waxa ku soo kordhay qabyaalad la isku quudinayo oo boosaskii qabyaalad la isku geynayo, waxa ku soo kordhay qof jeclaysi, waxa jira wasiiro aan khibrad lahayn oo aan waligood aan dawlad la shaqayn oo awoodoodii ka dheereeyay.”, Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in taladii hay’adda sirdoonka loo dhiibay laba nin oo ilmaadeer ah, waxaanu yidhi , “Nabadgalyadii ayaad arkaysaa, nabad sugidii ayaad arkaysaa laba Wiil oo ilmadeer ah ayaa iskaga sareeya, mid waa taliyihii ciidamada, midna shaqaalaha iyo tabobarada ayuu u qoraa, halkii lagu arkay in labadii muhiimka ahaa laba ilmaadeer ahi qabsadaan, dawladihii inala saaxiibka ahaa dib ayay u gurteen oo shaki weyn ayaa la galiyey Somaliland halkay ku socotaa, haddii aad tidhaahdo aynu waxaa hagaajisanana waala caytamayaa oo intii xumayd ee dadka caayi jirtay ayaa dawladii wax laga siiyay, wixii intaa ka dambeeya waxay noqonaysaa inaynu fowdo gallo.”

Faysal oo sii taabanaya cadalad darooyinka dalka ka jira wuxuu soo hadal qaaday arrinta u dhaxaysa isaga iyo guddoomiyaha wakiilada, “Cadaalad darada jirta waxa ka mid ah guddoomiyaha golaha wakiilada ee yidhi xisbigii (UCID) waan ka baxay ee ilaa imika guddoominaya golihii ee aan xisbina ee isku haleynaya Madaxwayne Siilaanyo sida uu sheegay Cabdicasiis Samaale ee ah waxa uu soo saaray Madaxwaynaha.” Ayuu Faysal yidhi.

Wuxuu Faysal Cali Waraabe sheegay inaanu taladu gacanta ugu jirin Madaxweyne Siilaanyo, “Waa caalamadihii Markii Maxamed Siyaad Barre dhacayey ee caqligu ka tagay ee aanuwaxba maamuli karayn ee awoodaha kale soo baxeen, ninkii Siilaanyo ee aanu ugahadhnay doorashada nooma muuqato hogaamintiisii oo dawlado kala sar-sareeya ayaa la sheegayaa.” Ayuu Faysal yidhi, waxaanu dhaliilay safarada uu Madaxweynuhu dibadda ugu baxo oo uu sheegay inay qaataan wakhti ka badan safarada Madaxweynayaasha.