Madaxweyne Siilaanyo Miyuu Ka Noqday Mawqifkiisii Ahaa Inaan Budhcad Badeeda Shisheeye Lagu Hayn Xabsiyada Somaliland?

0
782

 

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la sheegay inuu ka noqday go’aan adag oo uu hore uga qaatay in Somaliland lagu maxkamadeeyo budhcad badeeda aan wadanka u dhalan ee lagu soo qabto badaha waaweyn.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa qoraal ku qornaa luuqadda Ingiriisida oo uu soo saaray 29 March ee sannadkan oo ku beegnayd furitaankii xabsiga weyn ee Hargeysa iyadoo ay xilligaas booqasho ku joogeen Hargeysa wefti ka socday hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan mukhaadaraadka iyo dambiyga, wuxuu sheegay inay Somaliland door muhiim ah kaga jirto la dagaalanka budhcad badeeda, balse wuxuu si cad u sheegay inaanay Somaliland marna aqbali doonin in budhcad badeed shisheeye ah oo aan badaheeda lagu soo qaban lagu maxkamadayn doono Somaliland “Budhcad-badeeda la dagaalankeeda door fiican ayaanu ka qadanaa, jeelkayagana waxa ku jira tiro badan oo iyagga ah oo aanu ka soo qabanay badayada, waanuna sii wadeynaa siyaasadan, waxa kale oo aanu soo wadeynaa gacanta aanu beesha caalamka ka siinayno la dagaalanka budhcad badeeda.”ayuu yidhi ku yidhi Madaxweyne Siilaanyo qoraalka uu wakhigaas soo saaray, waxaanu intaas raaciyay “Si kastaba ha ahaate, waxaan cadanayaa inaanay Somaliland jeclayn inay xabsi u noqoto budhcad badeeda lagu soo qabto badweynta ama dalalka kale. Tani waxay khatar ku keeni doontaa ammaankayaga.” ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxase uu sheegay inay qaban doonaan budhcada ku soo xad gudubta biyaha Somaliland ama budhcad badeeda Somaliland ee meelo kale dambi ku soo gasha. Haseyeeshe waxa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynuhu bedelay mawqifkiisa oo ay Somaliland ogolaatay in budhcad badeeda aan u dhalan Somaliland ee lagu soo qabto badaha shisheeye.

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa dabayaaqadii Bishii April ee sannadkan sheegay inay dawladda Somaliland saxeexday heshiis ku saabsan arrimaha budhcad badeeda oo uu mugdi badani ku jiro.

Wargeyska ayaa  qoray in dawladda Seychelles ay heshiis la saxeexatay dawladda Sheekh Shariif, kaas oo dhigaya in budhcad badeeda la xukumo lagu hayo xabsiyada Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Puntland. Taas oo uu macnaheedu yahay in dawladda Sheekh Shariif fasax looga soo qaatay in budhcad badeeda la xukumo lagu hayo xabsiyada Somaliland, sidaasna ay dawladda Somaliland ku saxeexday oo ay ogolaatay.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalka Seychelles Mr. Joe Morgan, ayaa saxaafadda uAxmed-Siilaanyo-300x228 sheegay in heshiiskaas isfaham lagu saxeexay shir doceed dhinac socday shir isla maalmahaas ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta ee ku saabsanaa la dagaalanka budhcad badeeda, wuxuuna wasiirku sheegay in heshiiskaasi cadaynayo niyad wanaaga iyo wacad oofinta Somaliland iyo Puntland ee isfahamkii bishii Febarwari ay wasiirada cadaalada ee Somaliland iyo Puntland ku saxeexeen dalka Seychelles. “Heshiiskan isfaham ee ay Somaliland saxeexday waa gudbinta dhammaan budhcad badeeda la xukumay, maaha kuwa Somaliland oo keliya.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas raaciyay in budhcad badeeda lagu cidhib tiri karo iyadoo wada jir looga hawlgalo.

 

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka qayb galay shirkan la sheegay in kulamadiisa qaarkood heshiiska lagu saxeexay ayaa xilligaas Geeska Afrikau sheegay inaanu jirin wax heshiis ah oo ay Somaliland saxeexday.

Haddaba, haddii ay run noqoto in Madaxweyne Siilaanyo ka noqday go’aanka uu hore uga qaatay in budhcad badeeda aan dalka u dhalan ee lagu soo qabto badaha shisheeye lagu maxkamadeeyo Somaliland, waxa ay su’aali ka taagantahay cidda heshiiska saxeexday. Ma waxa mawqifkaas hore ee Somaliland lagu bedelay heshiis rasmi ah oo ay Somaliland beesha caalamka la saxeexatay mise waxa lagu dhaqayaa heshiiska ay dawldda Sychelles sheegtay inay arrintan kala saxeexatay dawladda Sheekh Shariif ee dhigayay in maxaabiista lagu hayn karo xabsiyada Somaliland kaas oo macne ahaan ah in dawladda Sheekh Shariif looga soo fasax qaatay arrimaha Somaliland. Si kastaba ha ahaate cidda looga fadhiyo inay arrintan kala cadaysaa waa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaana laga sugayaa haddii ay arrintani jirto inay cadayso cidda ay heshiiska la saxeexatay iyo weliba goorta la saxeexay.