Guddoomiye Cirro Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Jigjiga

27
733

Picture7Hargeysa(Geeska)-Wasiiro ka tirsan dawladda deegaanka Somalida Itoobiya ayaa si weyn u soo dhaweeyay guddoomiyaha Golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay dawladda Itoobiya si rasmi ah ugu martiqaaday dabaal degga maalinta qoomiyadaha Itoobiya oo beri lagu qabanayo magaalada Jigjiga.

Guddoomiye Cirro, waxa martiqaadka u soo diray guddoomiyaha Baarlamaanka Itoobiya oo ay saaxiib dhow yihiin, waxaana uu shalay gaadhay magaalada jigjiga. Xubno wasiiro ah ayaa ka gelbiyay xuduudka Itoobiya ee Wajaale, waxaana safarkiisa ku weheliyay xoghayaha golaha wakiilada.

Ma jirto cid kale oo ka tirsan xukuumadda iyo xisbiyada oo weli u socdaalay Itoobiya si ay uga qayb galaan munaasibadaas oo si weyn loo abaabulayo. Lamana garan karo in lagu martiqaaday xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo inay Itoobiya martiqaaday oo keliya guddoomiye Cirro. Hase yeeshe waxa kale oo munaasibadaas lagu martiqaaday dawladaha gobalka ee Somaliya, Djibouti, Kenya iyo Sudan.

 

Comments are closed.