Taliye Fadal Oo Beeniyay In Sarkaal Boolis Ah Lagu Dilay Xaafadda Siinay Ee Hargeysa

7
696

Picture6Hargeysa(Geeska)-Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa beeniyay in sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska lagu dilay xaafadda Siinay ee degmada Axmed Dhagax.

Taliye Fadal, oo daba socday warar ay warbaahinta qaar baahiyeen oo sheegayay in khamiistii xaafadaas lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska, wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay warkaas. “Warkaasi waa been abuur aanay waxba ka jirin. Ma jiro cid ciidanka Booliska ka tirsan oo wax la yeelay. Markaas waxaan shacabka u xaqiijinayaa in warkaasi yahay war aan jirin oo la sameeyay, waxaana faafisay cid ujeedo gaar ah leh. Mar kale waxaan leeyahay ma jirto cid xaafadaas lagu dilay oo Booliska ka tirsani.” Ayuu yidhi sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan.

Taliye Fadal, oo sidoo kale ka hadlayay xidhiidhka warbaahinta iyo ciidanka Booliska, wuxuu yidhi, “Ciidamada boolisku wax dhibaato ah kuma hayaan saxaafadda, mana jirto meel lagu go’aamiyay in Boolisku saxaafadda dagaal ku qaadaan.

Warkan dilka askariga ka tirsan ciidanka Booliska ee uu taliyuhu beeniyay oo markii u horaysay ka soo baxay mid ka mid ah baraha warbaahineed ee Internetka, ayaa noqday war si weyn u faafay.

 

Comments are closed.