Guddoomiye Cirro Ma Ka Jawaabay Doodii Sharci Ee Eng. Maxamed Xaashi?

0
613

 

Jawaabta guddoomiyaha  G/Wakiilada,  ahna guddoomiyaha Xisbiga Wadani, ma ahayn mid shaafiya oo ka jawaabaysa warbixintii, wasiirkii hore ee Maaliyadda, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ee H.C.T.V.  Waxa daba-galkeeda u yaal, HAY’ADAHA  DAWLADDA  (Xeer-ilaalinta iyo Hanti-dhawrka )  ee u xilsaaran ilaalinta sharciga iyo dabagalka hantida Qaranka ee la lunsado.

Taariikh Gaaban, oo ku saabsan sidii uu abuurmay Shirguddoonka G/Wakiilada:-                    Shirguddoonka Golaha wakiiladu, wuxu ka abuurmay, labadii xisbi (Kulmiye iyo UCUD) oo u baahday is-kaashi siyaasadeed oo mucaarid ah, marki Xisbigii UDUB xukunka Dalka hayay. Shirguddoonka waxa ay labada Xisbi u qaybsadeen, UCID oo guddoomiyaha qaadatay iyo KULMIYE oo qaatay labada Guddoomiye ku-xigeen.

Markii doorashadii 2010, Kulmiye ku guulaystay, ayay ahayd in xaaladdu is-baddel ku yimaad, oo UCID iyo Wadani noqdaan mucaarid. sida ku cad waraysigii Wasiirkii hore ee W.Maaliyadda oo ah sidan soo socota:- 

SHARCI  JABINTA iyo DHALIILAHA  SHIRGUDDOONKA G/WAKIILADA:- 

1.Qod.39aad, Golaha Wakiiladu waa xubno ka wakiil ah dadweynaha, waana Qaybta 1aad ee  xeerdejinta, ansixinta xeerarka, oggolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hoggaminta dalka.       2. Qod.48aad: Xubin G/Wakiilada uma bannaana in ay qabato xil kale oo Dawladeed iyadoo xilkii loo doortay haysa, UMANA BANNAANA in ay  uga  FAA’I DAYSATO  XILKAASI  DANO   GAAR  AH.

3. Qod. 55- 6. Waa waajib u soo bandhigidda G/Wakiilada xisaab-xidhka sannad-maaliyadeedkii dhamaaday muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhamaadka sannad-maliyadeedka. Iyadoo Golaha Wakiiladu ka doodayo, go’aanna ka soo saarayaan.                              4. Xisaab-xidh, masayn Shirguddoonku muddadii uu xilka haya.

  5. Shirguddoonka G/Wakiilada, lama hor keeno:- HESHIISYADA, SHIRKADAHA  AJNABIGA  EE BAADHA  macdanta iyo shidaalka, ee iyagu sii kala iibsada ee sii-kala macaasha. Iyada oo aan Dalku ka helin; Fiigii diiwaan gelinta, kiro-sannadeed iyo dakhliga kala iibsadka iwm.                                                                                                     6.Sido kale, XOOLAHA  LA DHOOFIYO ee  Al-JAABIRI.                                                                                            7. Kaluumaysiga, Haamaha shidaalka iwm.                                                                                                            8. G/Wakiilada, Qod.50-5. XUBINIMADA GOLAHA  WAKIILADA waxa la waayi karaa haddii uu ka maqnaado Golaha 20 (Labaatan) fadhi oo isku xiga idin la’aan.

9.Guddoomiyaha G/Wakiiladu wuxu mushahar siinayay xubno dhawr ah ama eheladoodii, oo affar sano iyo qaar toddoba sano, aan ka qayb gelin shirarka Golaha ama dalka ka maqnaa. Waa dambi iyo hanti Ummadeed oo la lunsaday, oo ay tahay in lagu soo oogo, Guddoomiyaha  G/Wakiilada.  10. Gudoomiyaha G/Wakiiladu wuxu magacaabay, G/Hoosaadka G/Wakiilada ee “La dagaalanka musuq-maasuqa” (Anti-corruptin committee). Siddeed sano ku dhowaad may Hawl gelin. 

11. Waxa kale uu magacaabay. G/Hoosaadka Dhaqaalaha, oo shaqadeedii ku soo koobtay ka talo-bixinta Miisaaniyadda Qaranka. Ma danayso guddidaasi, DHAQAALAHA si guud iyo musuq-maasuqa baahay.Muxuu Goddoomiyuhu, u kala diri waayay G/ Hoosaadyada Xilkoodii gabay?      

JAWAABTII MUSHARAXA MADAXWEYNE ee XISBIGA  WADANI                                                            (Habartii Xaabada la kici-weyday ee ii kordhiya tidhi)

“Waxaannu jecelnay inaanu jawaab ka siino hadalkii uu Eng. Maxamed Xaashi ku duray Xisbiga Wadani iyo hogaanka xisbigaba ee uu sheegay

1. inuu xisbiga Wadani yahay xisbi muxaafid ah oo isaga iyo Kulmiye aanay waxba u dhaxaynin.            2. Inuu Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Sharci daro ku Fadhiyo Golaha Wakiilada.

Eng. Maxamed Xaashi waxaanu leenahay Xisbiga Wadani waa xisbi Mucaarid ah oo in ka badan dhawr jeer buu gudoomiye Cirro ka cadeeyay fagaarayaashah. taas waxaa ka markhaati kacaysa.

1. War saxaafadeedkii ugu danbeeyay ee uu gudoomiye kuxigeenka Xisbiga wadani iyo Afhayeenka xisbigu si daayeen ee ay kaga hadlayeen xalada dalku marayo iyo dhaliilaha dawladaba                                2.Midawgii Ururkii Umadda ee isagu ugu Mucaaridada kululaa ee la reebay, taas oo ina tusaysa inaanu xisbiga Wadani la midoobeen haddii aanu Mucaarid ahayn.

Waxaa haboon in sharciyada dalka la eego marka laga hadlayo labada  xil ee uu hayo Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi oo kala ah:  1) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada                                 2) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridah ee Wadani. Sharciga Somaliland baa u banaynaya labadaas Xil, Waxaan jecelahay inaan Eng. Maxamed Xaashi u sheego inuu dhawaan loogu dari doono xil saddexaad oo ah Musharaxa Madaxwaynaha ee Xisbiga Wadani

Haddi sharci daro cidda ku kacday la eegayo Eng. Maxamed Xaashi buu ahaa Wasirkii diiday inuu Hantidhawrka qaranku baadho wasaaradiisa ee yidhi anigaa samaystay hantidhawr u gaar ah Wasaaradayda oo ahayd markii uu Eng. Maxamed Xaashi ah Wasiirka Maaliyada, taas sharci darro ahayd ee inuu Cabdiraxmaan Cirro labo xil isku hayo ma ah mid sharci daro ah.

Waraysigii Eng. Maxamed Xaashi ee ugu danbeeyay 22/02/2013 wax uu muqday inuu Eng. ku ka yare siibtay Siyaasadii oo uu rabo inuu meel ka soo qabsado.

“Maxamed Xaashi Cilmi, waa nin Weyn oo Reer Somaliland ah waa nin Siyaasi ah waa nin Aqoonyahan ah laakiin waxaan is leeyahey Mushkiladiisu waa mid qudha
ah oo Muraayad ayuu jeebka ku sitaa Muraayadaasina kaligii uunbaa isku
eego oo Sawirkiisa oo kaliya ayaa usoo baxa sawirkaana isaguunbaa iska

arka oo hadii layidhaa nin wanaagsan oo daacad ah isaguunbaa kasoo
baxa hadii layidhaa engineer isaguunbaa kasoo baxa hadii layidhaa
Muwaadin wadani ah isaguunbaa kasoo baxa, markaa waxaan leeyahey

Muraayadaha badso xabad qudha ka daayoo Somaliland wey badan tahey ee

Muraayadaa muraaydo kale ku dar ayaan odhan lahaa Runtii Ixtiraam
badan ayaan u hayaa, waanau soo dhaweyneynaa Xisbigana waanu kusoo

dhaweyneynaa inkastoo aanan dhageysan waxa la ii sheegay in uu
dhaliilay Sadexda Xisbiba haduu sadexdiiba dhaliiley dee Shacbigii oo
dhan ayuu dhaliiley Maahmaahbaa laga Sheegayay bari oo uu yidhi
ilaahow dadka ama sidooda iga dhig ama sideyda ka dhig waxaan odhan
lahaa Muraayada dhinacyada kala ujeedi.

Maxamed Xaashi Cilmi waa nin Weyn oo Reer Somaliland ah waa nin Siyaasi ah waa nin
Aqoonyahan ah laakiin waxaan is leeyahey Mushkiladiisu waa mid qudha

ah oo Muraayad ayuu jeebka ku sitaa Muraayadaasina kaligii uunbaa isku
eego oo Sawirkiisa oo kaliya ayaa usoo baxa sawirkaana isaguunbaa iska

arka oo hadii layidhaa nin wanaagsan oo daacad ah isaguunbaa kasoo
baxa hadii layidhaa engineer isaguunbaa kasoo baxa hadii layidhaa
Muwaadin wadani ah isaguunbaa kasoo baxa, markaa waxaan leeyahey

Muraayadaha badso xabad qudha ka daayoo Somaliland wey badan tahey ee

Muraayadaa muraaydo kale ku dar ayaan odhan lahaa Runtii Ixtiraam
badan ayaan u hayaa, waanau soo dhaweyneynaa Xisbigana waanu kusoo

dhaweyneynaa inkastoo aanan dhageysan waxa la ii sheegay in uu
dhaliilay Sadexda Xisbiba haduu sadexdiiba dhaliiley dee Shacbigii oo
dhan ayuu dhaliiley Maahmaahbaa laga Sheegayay bari oo uu yidhi
ilaahow dadka ama sidooda iga dhig ama sideyda ka dhig waxaan odhan
lahaa Muraayada dhinacyada kala ujeedi.”

.G: Hantidhawrahu (Ref: HAN/WM/103  Nov 25  2010). Wuxu baadhay, siddeed meelood oo wasaaradda Maaliyadda ah, muddadii aan xilka wasaaradda hayay. Hanti-dhawruhu, midna kama jawaabin. Eedaysane qudhana dambi kuma soo oogin.  “Documents” uu kala baxay xaffiiska oo khilaafsan sharciga muu soo celin. Madaxweyne-ku–xigeenkana waan la socod siiyay.

Arrintu shakhsi ma aha. Aflagaaddana jawaab ma aha. Waxa laga hadlayaa waa HANTI UMMADEED oo Guddoomiyuhu lumiyay, xil uu ka seexaday iyo SHARCIDARRO uu xilkii Guddoomiye G/Wakiilada sida ku cad qod.48 ee Dastuurka uu weli ku fadhiyo.                                   Waa nasiib darro, in Xukuumaddani, 100% dulqaad u leedahay musuq-maasuqa, oo ayna danayn Hantida Qaranka ee la lunsado iyo Dastuurka lagu xad-gudbo. WAA  ARRIN HESHIIS  LAGU  YAHAY.