Havayoco Oo 300 Qof U Soo Xidhay Wacyigelin Ku Saabsanayd Xad-Gudubyada Ka Dhanka Dumarka

0
583

 

Picture1Hargeysa( Geeska )-Haay’ada wadaniga ah Havayoco ayaa tababar wacyi galin ah oo ku saabsan xadgudubyada ka dhanka ah haweenka u soo gabo-gabaysay 300 oo qof oo ka kala socday shanta dagno ee ay ka kooban tahay magaalada Hargeysa.

dadkan tabobarka la siinayay ayaa kala haa Culimo,Odayaal,Haween iyo dhalinyaro, waxaana dhamaantood ay qaateen tabobarkaas oo socday mudo afar maalmood ah. Barnaamijkan ayaa lagu soo gabogabeeyay hoolka haay’ada wadaniga ah ee Havayoco ku leedahay agagaarka Maxkamadda sare ee Somaliland.

Aqoon-iswaydaarsigan wacyigelinta ah ayaa intii uu socdo waxa la isku waydaarsaday fikirada ku saabsan sida loo cidhib-tiri lahaa tacadiyada ka dhanka ah haweenka, iyadoo sidoo kalena halkaas ay dadkan casharo ugu soo gudbinayeen macallimiin loo tababaray wacyigelinta tacadiyada noocan ah.

Kamaal Xasan Isaaq oo ka mid ah saraakiisha haay’ada wadaniga ah ee Havayoco, oo ka hadlaayay soo xidhitaanka tabobarkan ku saabsanaa xadgudubyada ka dhanka ah haweenka ayaa yidhi “ Waxaanu maanta halkan  ku soo xidhaynaa  barnaamij  wacyi galin ah kaas oo ku saabsanaa xad gudubyada ka dhanka ah haweenka, barnaamijkaas oo haay’ada Havayoco mudooyinkanba ay da’daal ugu jirtay.”