Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro Oo Shalay Hantiyay Siyaasiga Ficilka Badan Ee Dr. Gaboose Iyo Ururkii Umadda

1
623

 

rrHargeysa (Geeska )-Urur siyaasadeedkii hadhay ee Umadda, ayaa si rasmiya ugu biiray xisbiga Wadani, waxaana xaflad balaadhan loogu qabtay hotel Anbasador ee magaalada Hargaysa.

 

Xafladan balaadhan ee ururka Umaddu uu kaga mid noqday bahweynta Wadani, waxa soo buux dhaafiyay taageerayaal iyo masuuliyiin labadan dhinac ka tirsan, Salaadiin, Siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ururkii hadhay ee Rays iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Xafladan ayaa ahayd mid hadalo dhinacyo badan taabanaya uu ka soo jeediyay Dr.Gaboose, waxaana si diiran oo laab furin Gaboose u soo dhaweeyay gudoomiyaha xisbiga Wadani Cabadiraxmaan Ciro, waxaana xisbiga Wadani uu watigan hantiyay codadka xisbigan hadhay ee Umaddu uu ku lahaa dalka.

Dr. Gaboose, ayaa ah siyaasi miisaan culus leh, waana hoggaamiye ficil badan oo aan la gaban mabda’iisa iyo weliba ka midho dhalintiisa. Waxaanay dad badani shalay is tuseen in guddoomiyaha ururka Wadani Md. Cirro gacanta ku dhigay siyaasi culus.

Xogyaha Guud ee Xusbiga Wadani Md.Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo  hadal soo dhawayn ka jeediyey madashani midowga labada dhinaca ee  Xusbiga   Waddani iyo Ururka Umadda ayaa yidhi“ Walayaal xafladani qiimaha iyo qaayaha leh waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqaynaa cidii ka soo shaqaysay, maanta waxaanu isugu nimi midowga ururkii UMMADA oo   hogaaminayo siyaasiga wayne ee caanka ah ee Dr. Maxamed Cabdi Gaboose  hadaanu nahay WADDANI  ururka UMADDA waxaa uu ahaa  kii noogu  kaambaynka badnaa ee khatar nagu hayey,  maanta halkan waxaanu ku  fadhiya madaxadii kala duwan UMMADA oo uu hogaaminayo Dr.Gaboos, Wadani oo uu hogaaminayo Cabdiraxmaan Ciro iyo Xusbigii UDUB oo uu  hogaaminayo Cali Maxamed Warancade oo dhamaantood ku midoobay in ay noqdaan Xusbiga Wadani oo uu kursiga ugu sareeya u haneeyaan Md .Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi  (Cirro ) oo ah musharaxa koobaad ee madaxwaynaha Xisbiga Wadani.“

 Pro.Qaasim Ibraahim Tubeec    gudoomiye ku xigeenka koobadaad ee ururka UMADDA ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaana ereyadiisii ka  mid ahaa  “Waxaan alle halkan ugu baryayaa in uu  Hogaamiyaha noqdo   kii dalka iyo dadkaba wax  u qabta,  aniga waxaan la soo shaqeeyey Dr.Gaboose hadii aynu haysan lahayn 10 qof oo sidiisa oo kale waxaan  filayaa in aynu ka bixi lahayn dhibaatooyin badan,  Waad aragtaan waxaa la leeyahay ciyaaraha kubada ma qaban karo  markaa waxaan  odhan karnaa nabad gelyadiiba madaxtooyada may soo dhaafin markaa  waxaan leeyahay oo aan odhan lahaa madaxwayne kubada aan iska  daawanee noodaa.”

Waxaa kale oo isna halkaasi hadal kooban ka soo jeediyey Xasan Gaafaadhi Gudoomiyaha Ururkii hadhay ee  RAYS,“Waxaan aad ugu  faraxsanahay in aan ka soo qayb galo  xaflada midowgii labada dhinac ee Ururka UMADDA iyo Xusbiga WADDANI waxaanan ugu mahadnaqayaa  Gudoomiyaha Ururka UMMADA oo ka mid ahaa ururadayadii hadhay waxaan  leeyahay waa guul in uu go’aankan qaato waxaanan leeyahay xusbiyada soo  baxay sifada ay doonaan haku soo baxaane waad u baahan tihiin cododka aanu la maqanahay markaa waa in aad ku   dadaashaan sidii aad ku kasban lahaydeen. Waxa kale oo aan leeyahay waa in aan  la dhayalsan duruuftan maanta  taagan ee ka soo kordhay dhinaca Somaliya, waxaana loo baahan in si baladhan looga.”

Waxaa isaguna xafladan isku biiritaanka ka hadlay Cali Maxamed Warancade oo ka mida madaxda sare ee xisbiga Wadani waxaan hadaladiisa ka mid ahaa“Marka hore aniga oo  tixracayaa gudoomiye ku xigeenka uruka umadda ee iga horeeyey aan kaftan ka horaysiiyo markii aanu Xukunka Dalka haynay laba arimood ayaanu ugu nabcayn oo kala ahaa mucaaradkii ayaa isku biiray, midna ahayd salaadiin cadhaysan ayaan shiraysa  Markaan waxaan leeyahay taageerayaasha Umadda oo aanu ku midowno madashii aanu ku hirdamaynay, maanta waxaynu samaysanay nidaamka midowga ururada oo saldhiga balaadhan u noqondoonta  in umaddu laga daweeya cudurka xun ee qabyalaada oo ay dadkku wada noqdaan dad wax wada leh min bari ilaa galbeed waxaanay saldhig balaandhan u yihiin in aynu ka bilowno mucaarad adag, waxaan ugu bushaarayanayaa  Xukuumada in uu WADDANI yahay mucaarad  waxaana bilow maanta u tahay mucaaradeedunu in ay ku salaysan tahay in aynu Umadda ku dhaqno cadaalada iyo sinaan ku salaysan in dalkani lagu wada noolaado nabad waxaana aad  u soo dhawaynayaa saxiibkay Dr.Gaboose oo aanu taariikho badana soo wada marnay.”

Gudoomiyaha Ururka UMADDA Dr.Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sida oo kale xafladan ka soo jeediyay khudbad xoogan oo dhinacyo badan taabnaysa, waxaanu si rasmiya u shaaciyay inuu kamid noqonaayo xiabiga Wadabi, waxanau hadalkiisa ku bilaabay“Munaasibadani waxaa weeyaan munaasibad loogu daaf furayo in ururkii umadda doorasho iyo quluub ka timi markii ay wada tashi balaadhan galeen markii ay waxyeebo badan eeg eegeen waxa ay isku qanciyeen in dhibaatada taala aanay dhib ku darin ,waxa kale oo ay ku tashadeen in aanay fadhiisan oo aanay daawadeyaal noqon, markaa ay eeg eegeen oo ay indho indheeyeen  weelasha jira  waxaan u soo baxay in ururka Waddani  ku biiraan anaga oo wadana taageeroyaashayadii.” “ Nin aanu saaxiibnahay  ayaa I waydiyey sadex su’aalood oo kala ha hadii aynu Wadani ku biirno mucaarad ma yahay dhab ah,ta kalena waxaa ay ahayd yaa huba in uu Cabdiraxmaan Ciro yahay musharax Xusbiga iyo marka aad midowdaan shurax ma kala noqonaysa gadaha xusbiga oo maka tartami doontaa.  hadaba aan idiinka jawaabo sadexdaa su’aalood ee ninkaasi I su’aalay  Waa ta koobaad In hadii midabo gaara kala lahaayeen  anaga iyo  ururada kaleba aanu hada laga bilaabo nahay  xusbiga Wadani ay khasab noqonayso in uu mucaarad noqdo, mida kale ayaanu mugdi idin gelin  Cabdiraxmaan waa musharax ugu  wayne ee jagada madaxwayne Xusbiga Wadani, ta odhaysa ma iska dhex sharaxaysa, waxaad idiin cadaynayaa  Noloshaayda munaafaq ma noqon,waxaanan madasha ka  xaqiijinayaa in aanay dhacayn in aan marnaba musharax la noqonaynin  Cabdiraxmaan Cirro.”

Dr.Gaboose oo hadalkiisa siiwataa waxa uu yidhi “ Waxaan leeyahay Waxaan kuu xaqiijinayaa Cali Warancade iyo Goboose  adiga hadii  kula jiraan waxaad u halgamaysaa waa hogaan dad iyo dalka oo keliya maaha dadka beeshada oo keliy,  maaha  Cali iyo Gaboose maaha waxaa in aan xusbiga Wadani ay habeen  iyo maalinba aad bacad  u martaa sidii aad ku kasban lahayd dad kale  oo uu xusbiga Wadani noqdaa  mid cidkasta iyo beel kasta iska  dhex aragto, waxaan leeyahay  si ay kugu hirgasho himiladaada waxaa  hal dardaaran ah kuu siinayaa  mucaaradu waxaa weeyaan dareenka dhabta  ah ee shacabkaaga u dhow hadii ay gaajaysan yihiin hadii ay  tahribayaan  saacadaa laga bilaabo anigu gudoomiyenimada halkaasi ayaan kaga tegey ururkii UMADDA taariikhada ayuu galaye anigu WADDANI ayaan ahayn waxaan ugu baaqayaa ururadii kale in ay ku soo biiran Wadani.”

Dr. Gabose, isagoo ka hadlaya xaaladda dalka wuxuu si kooban u yidhi “Duufaanada siyaasadeed ee ka dhacaaya Washington iyo Muqdisho   waxaa igala xun duufaanada maamul xumo ee ka dhacaaya Hargaysa.”

Gabo gabadii munaasibadaasi waxaa ka hadlay Gudoomiyaha  Xusbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Maanta waa maalin farxadeed waxaana aad ugu faraxsanahay caqligii iyo taageeradii,dhaqaalihii Ururka Umada ay ku soo biireen  Xusbiga Wadani waxaan leeyahay gamco furan ku soo dhawow         Dr.Maxamed Cabdi Gaboose  wuxuu noqonayaa odaygii iyo maskaxdii Wadani,  waxaa kale oo aan xusidoonaa in gudoomiye ku xigeenkii  xisbiga Umadda waxaa uu ka mid noqondoonaa gudoomiye ku xigeenada  Wadani, maanta waxaa markhaati inoo furmay in aynu nahay mucaarad Dr.Gaboose,  lakiin Waddanigii hore iyo kaniba in uu yahay mucaarad wax dhisayaa.Waxaan aad ugu mahadnaqaa taageerayaasha iyo  madaxad Umada waxaanan leeyahay cidkasta oo muwaadin ah in uu furan yahay inku soo birto Xusbiga  Waddani. Maantaba laba urur ma kala nihin, maantaba Waddaniyiin  ayaynu wada nahay , is doortay oo is ogol , isku hadaf  iyo ujeeddo ah, ujeedadaas oo ah in loo wada guntado sidii wadankeennu u helo  amni, una gaadhi lahaa horumar  siyaasadeed, dhaqaale, aqooneed iyo cadaalad una heli lahaa aqoonsi caalami ah. Himilada Xisbigu waa inuu hogaanka dalka qabto.”

Comments are closed.