Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar Oo Si Adag Uga Hadlay Madaxbanaanida Somaliland, Farriimana U Kala Diray Dawladda Iyo Siyaasiyiinta

0
555

 

suldaanHargaysa( Geeska )-Suldaanka guud ee beelaha  Habar Yoonis Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar, ayaa si adag u difaacay qaranimada Somaliland, waxaanu suldaanku xukuumada iyo siyaasiyiinta u soo jeediyay in aan la galin muhmal go’aanka qaranimada Somaliland.

 

Suldaanku waxa uu beesha caalamka iyo dadka Somaliyeed labadaba u soo jeediyay in la tix galiyo go’aanka umadda Somaliland, waxaanu Somaliya u soo jeediyay in mar haddii Somaliland iyo Somaliya ay ku fashilmeen midnimadoodii ay maanta ahaadaan walaalo is garab yaal oo danahooda kala raacda.

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar, waxa uu arimahan kaga hadlay xaflad loo qabtay isku biirida urur siyaasadeedka Umadda iyo xisbiga Wadani, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Anigu waxaan qabaa in aan caalamka kaleba inagu wadine ee aynu inagu isugu wacanahay, maxaan uga jeedaa go’aan ayaynu gaadhnay,  umad ayaynu nahay, dawlad  iyo nidaam ayaynu samaysanay, hadaynu go’aan gaadhnay oo calankeenii la soo noqonay anigu waxaan leeyahay  go’aankeena uun aynu adkaysano cid aynu marti uga nahayna ma jirto.” Suldaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Haddii dhawaaqaasu dami waayay aniga oo salaadiinta dalka ka mid ah waxaan umada kuwa caalamka  iyo Soomaaliba u sheegayaa  in aanay Somaliland gorgortan galayn, in aanan ka noqonayn,in aanu sidaas Alle ula kaashanayno, lixdankii calankaanu qaadnay ayaanu la soo noqonay, Somaliyan waxaan leeyahay waar dadku haddii uu wax wada yeelan kari waayo  walaaltinimada iyo wanaagu waxa uu ku jiraa in waxii la wada yeelan kari waayay la kal yeeshaa ee tiina ku filnaada Somalilandna hala daayo, waxaan ku talinayaa in aynu Somaliland nimadeena aynu ilaashano oo ayn u isku kal-soonaano.”

“Dalkeenan cid aynu marti uga nahay ma jirto Maraykan iyo cid kale toona,idinka ayaanu siyaasada idiin igmanay haddaanu nahay salaadiinta ee dalkan hoggaankiisa cadeeya oo kolba yaanu muhmal galine, waxaanu leenahay sidii aynu go’aansanay dalkani haku socdo dawladana sidaas ayaanu leenahay oo ma rabno inuu dalkani muhmal galo, waxaan leeyahay siyaasadii aynu go’aansanay sidii haku socoto oo yaanu hadal galin.”