Dr. Gabose Oo Ka Dayriyay Xaalada Dalku Uu Marayo

0
605

 

seHargaysa( Geeska )- Siyaasiga caanka ah ee Dr.Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa war war xoogan ka muujiyay xaaladda uu dalku wakhtigan marayo, waxaanu muujiyay inuu walaac ka qabo gudaha Somaliland.

 

Dr. Gabose, oo shalay si sarbeeb ah uga hadlay xaaladda dalka, wuxuu sheegay inaanu isku ludhayn siyaasadaha Muqdisho iyo Washington balse uu warwar ka qabo Somalialnd.

Dr.Maxamed Cabdi Gaboose waxa uu arintan kaga hadlay xafladii uu kula midoobaayay xisbiga Wadani. Waxaanu si kooban Gaboose u yidhi isaga oo xaalada dalka ka hadlaaya  “Duufaanada siyaasadeed ee ka dhacaaya Washigton iyo Muqdisho   waxaa igala xun duufaanada maamul xumo ee ka dhacaaya Hargaysa.”

Hadalka Dr.Gaboose ayaa ku soo beegmaya iyada oo dalka doorashooyinkii deegaanku ay dil dilaac ku keeneen, isla markaasna siyaasadii arimaha dibada hoos u dhac wayn ku yimid.