Guddoomiyaha UCID Oo Sheegay In Baarlamaanka La Soo Dooranayaa Uu Joojin Doono Wada-hadalada Somaliland & Soomaaliya

0
479

Wuxuu Dawladda Farmaajo ku eedeeyay inay Baa’biisay Wixii Somaliland la gashay Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Sheekh Shariif

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa mar kale ku baaqay in la joojiyo Wada-hadallada Somaliland kula jirto Soomaaliya.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Shalay khudbad ka jeediyey Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Hargeysa, ayaa sheegay in in dowladda Soomaaliya ay ka faa’iiday wada-hadallada ay kula jirto Somaliland, halka buu sheegay qadiyaddii aqoonsi-raadinta ee Somaliland uu dhaawac soo gaadhay.

Guddoomiyaha UCID oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu qabnaa in Soomaaliya wada-hadalladeeda la joojiyo, marka horeba qalad ayay inagu ahayd, way ka faa’iidaysteen wada-hadalaldii, inagana khasaarey inoo keentay”
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID wuxuu sheegay in Wada-hadalladii Somaliland la gashay Soomaaliya ay Sumcad u soo jiideen Dawladda Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid aan jirin oo Magac uun ah “Nidaam iyo dowlad aan jirin ayaynu Adduunka ka sharciyaynay, iyaguna way ka faa’iidaysteen, wixii aynu la galnay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh way baa’biisay dowladdan hadda joogta ee Farmaajo” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Golaha Wakiillada ee la soo dooranayo uu ajandihiisa koowaad ka dhigayo in la joojiyo Wada-hadallada Somaliland kula jirto Soomaaliya “Baarlamaanka cusub markuu yimaaddo ajendaha ugu horeeya waxa weeyaan in wada-hadallada la joojiyo oo inagu aynu Adduunka la macaamilno”

 

Geeska.net/Hargeisa Office