“Doorashooyinkani Taariikh Gaar Ah Ayey Gobolka Sool Iyo Shacabkiisaba U Leeyihiin..”

0
426

 

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa ka hadlay Doorashooyinka la filayo inay isniinta dalka dhacaan, waxaanu tilmaamay inay Doorashooyinkani ay uga duwan yihiin Doorashooyinkii hore ee Shacabka reer Sool.

Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu yidhi “Isniinta ayeynu Doorashooyinkii galaynaa, waxaana galaynaa laba Doorasho oo isku sidkan, waana taariikhd markii koowaad ee aynu laba Doorasho mar wada galno, ta kale Doorashooyinkani taariikh gaar ah ayey Gobolka Sool iyo Shacabkiisaba u leeyihiin madaama ay coddaynayaan, is xambaarkiina meesha ka baxay, waxaana Shacabka reer Somaliland muujiyeen siday diyaarka ugu yihiin inay Doorashooyinka coddeyaan, si ay xaqooda iyo xuquuqdooda u helaan”.

Mar wuu ka hadlayey Xukuumadda iyo Doorashada wuxuu yidhi “Dawladda mar kasta waxay awoodda saaraysaa inay inoo dhacaan Doorashooyinku, inooguna dhacaan si nabadgalyo leh, waxaana xaqiiqo ah oo aanay ciddina darifi karin inuu Madaxweynaha Qaranka Somaliland Muddane Muuse Biixi muujiyey siduu diyaarka ugu yahay inuu ka dhabeeyo himilada iyo hadafka ay Shacabkiisu hiigsanayaan, oo ah inuu dalkani helno horumar iyo ictiraaf caalamiya, dhabihiina xaqiiq ahaan wuu hayaa”

 

Geeska.net/Hargeisa Office