Guddoomiyaha Guurtida Oo Maanta Dalka Ka Dhoofaya, Isagoo Weli Ku Dhegan Heshiiskii La Gaadhay Ee Uu Qaadacay

0
636

Picture4Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha aqalka Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa la filayaa in uu maanta u ambabaxo dalka Ingiriiska, xilli aan weli laga heshiin khilaafkii ka dhashay muddo kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyeen Xukuumadda iyo aqalka Golaha Wakiilada.

Guddoomiye Saleban ayaa la sheegay inuu safarkani u qorshaysnaa muddooyinkan dambe, waxaanay wararku sheegayaan inuu dalka Ingiriiska u socdaalayo isagoo weli ku dhegan mawqifkii adkaa ee uu ku qaadacay heshiiskii ay gaadheen xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kaas oo ay si wada jir ah heshiis uga gaadheen khilaafkii ka dhashay muddo kordhintii guurtida.Xisbiyada mucaaradka ayaa toddobaadkan shirjaraa’id oo ay qabteen waxay xukuumadda ku eedeeyeen inaanay ka shaqayn hirgelinta heshiiskii ay la galeen oo ay golaha guurtidu qaadaceen