Jaamac Shabeel Oo Ka Jawaabay Eedda Mucaaradka Ee Ah Inay Xukuumadu Ka Baxday Heshiiskii

0
544

Picture3Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa sheegay in dhanka Xukuumadda iyo dhanka Xisbiga Kulmiye in aanay waxba iska bedelin heshiiskii ay la gaadheen Xisbiyada Mucaaradka eek u saabsanaa muddo kordhinta Xukuumadda iyo cayimada wakhtiga Doorashada, waxaanu sheegay in Mucaaradku ku deg degay hadaladii ka soo yeedhay ee ahaa in Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye ka baxeen heshiiskii.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Kulmiye Jaamac Shabeel oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale sheegay inay Doorashada hor yaalaan kana horeeyaan caqabado badan oo ay ka mid yihiin Xeerka Doorashada Wakiilada, Saami qaybsiga iyo Diiwaangelinta, “Mucaaradku wey deg degeen, waxaanan u arkaa inuu deg deg ku jiro, in waxa la yeelo ay sugaan ayey ahayd, waxa laga heshiiyey waa Doorashada, ilaa haddana waxa is bedel ah  oo ku yimid ma jiro, in Doorashada December la qabtana anaga wax is bedel ah oo noogu jiraa ma jirto, arintaas iyo sidii sharciyada la isku waafajin lahaa waa in hawsheeda la qabtaa, in dabada la joogo oo dabada lagu murmo macno badan samayn mayso”.

Jaamac Shabeel mar uu ka hadlaayey caqbadaha hor yaala Doorashada waxa uu yidhi “Marka hore caqabado badan ayaa hor yaala Doorashada ee waa in marka hore caqabadahaas wax laga qabtaa, dabadeedna la is waafajiya sharciyada iyo heshiiska, wax culusna maaha in la is waafajiyo sharciyada iyo heshiiska, waa wax aad u fudud, caqabadaha Doorashada hor yaala waxa ka mid ah Xeerkii Doorashada Golaha Wakiilada, saami qaybsigii,  Diiwaangelintii oo la dhaqaajiyo, oo si fiican loo qabto, arimahaasi oo dhami Doorashada wey ka horeeyaan”. Jaamac Shabeel mar uu ka hadlaayey sida uu arko muddo kordhinta Golaha Guurtida ayaa yidhi “Wax xil ah oo Xukuumaddan ka dhammaaday ma jiro, waa tii loo kordhiyey, sida uu Sharcigu dhigaayo ayeyna Guurtidu kordhisay, khilaafka meesha ku jiraana waa muddo laba bilood ah, heshiiskii Xisbiyada iyo go’aankii Guurtidina waxa u dhexeeya laba bilood, wax sidaas loogu xiiqana laba bilood ma mudna, ninka marmarsiiyo ka dhiganaya laba bilood wax macno leh oo ku jira uma arko”.

Jaamac Shabeel mar uu ka hadlaayey in Xisbiga Kulmiye fuliyey balanqaadkiisi uu ku gali jiray Ololaha wakhtigii uu Mucaaradka ahaa waxa uu yidhi “Balanqaadkaygii intii ugu badnayd waanu fulinay, inta kalena waanu fulinaynaa, taas biyaha ayaa ugu dambaysay oo ugu hawl badnayd, hawsheediina meel wanaagsan ayey maraysaa,   waxaana rajaynayaa in inta dhimana muddo xilkeedkan dambe aanu naga dhamaan in la wada helo biyo”.