Wadamada Taageera Doorashooyinka Somaliland Oo Kulan Muhiim Ah Hargeysa Ku Qabsanaya Toddobaadkan

0
583

Picture5Hargeysa(Geeska)-Wadamada taageera dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland ee ku bahoobay Democratization steering committee (DSC), ayaa toddobaadkan shir ku qabsanaya magaalada Hargeysa.

Shirkan ayaa waxa ay xubnaha DSC ku lafo-gurayaan doorashooyinka Somaliland iyo caqabadaha u baahan in la dhammaystiro intaan la gaadhin doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada ee uu dib u dhacu ku yimid.

Wadamadan oo kala ah Norway, Ingiriiska, Denmark, Sweden, Faransiiska, Switzerland iyo Maraykanka oo aan isagu la hubin inuu shirka ka soo qayb galayo ayaa waxa ay kulamo muhiim ah la yeelan doonaan guddiga doorashooyinka, xukuumadda iyo saddexda xisbi qaran. Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijinaya in wadamadani ay xukuumadda iyo xisbiyada kala hadli doonaan fulinta heshiiskii ay wada gaadheen xisbiyada iyo xukuumadu ee xalka lagaga gaadhay khilaafkii ka dhashay muddo kordhinta, waxaanay dhammaan dhinacyada ay doorashadu khusayso ka dalban doonaan inay ka shaqeeyaan sidii doorasho xor iyo xalaal ahi dalka uga qabsoomi lahayd.

Geesta kale, wadamadan waxa weheliya sarkaal ka tirsan Midowga Yurub, gaar ahaan xafiiskooda Nayroobi. Ergaygan Midowga Yurub ayaa waxa ay iyadu kulamo gaar ah la yeelan doontaa saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo Waddani.

Si kastaba ha ahaate kulankan DSC uga furmaya Hargeysa oo noqon doona kii u horeeyay ee noociisa ah ayaa wuxuu u muuqdaa mid ay wadamada taageera dimuqraadiyadda Somaliland culays ku saarayaan dhinacyada ay doorashadu khusayso inay doorashooyinku u qabsoomaan sida ugu dhaqsaha badan oo ku salaysan jadwal hawleedka guddiga doorashooyinka qaranka islamarkaana la xaadho caqabadaha doorashada ka horiman kara.