300 Oo Tahriibayaal Ah Oo Ay Somali Ku Jirto Oo Lagu La’yahay Badda U Dhaxaysa Wadamada Talyaaniga Iyo Liibiya

0
607

fafafsHargeysa(Geeska)-Qiyaastii 300 oo ruux ayaa la aaminsanyahay inay toddobaadkan ku geeriydeen biyaha u dhexeeya Talyaaniga iyo Liibiya, ka dib markii ay afar doomood oo macmal ahi ay Sabtidii toddobaadkan ka ambaboxeen xeebaha magaalada Tiripoli ee dalka Liibiya, kuwaas oo qaaday Tahriibayaal Afrikaan ah.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR ayaa cadaysay in tirada intan leeg lagu la’yahay biyaha dhexdooda.

Ciidamada badda Talyaaniga ayaa shalay jasiirada Lampedusa gaadhsiiyay sagaal qof oo ay soo badbaadiyeen, kuwaas oo saarnaa doon ka mid ahayd laba doonyood oo wada socday oo ka mid ahaa afarta doonyood ee Liibiya ka soo baxay oo heehaabaysay biyaha dhexdooda. In ka badan 200 oo ruux oo labadaas doonyood saarnaa  ayaa la la’yahay, lana filayaa inay geeriyoodeen. Labadan doonyood ayaa ka mid ahaa afarta doonyood ee ka baxay Liibiya. Doontii saddexaad oo lagu qiyaasay dadka saarnaa 100 ruux, ayaa iyadana ay UNHCR sheegtay in weli la’yahay. Dadka saarnaa oo dhallinyaro u badnaa waxa ka mid ahaa wiil 12 jir ah, waxaana la aaminsanyahay inay geeriyoodeen.

Ciidamada Talyaaniga ayaa doontii afraad  helay Sabtidii iyadoo ay saarnaayeen 105 ruux oo ku jiray xaalad adag. Dadkan ayaa la sheegay inay ku jiraan Soomaali badani, waxaana kale oo ku jiray Suudaan, Itoobiyaan iyo Ereteriyaan.