Muuse Iyo Samaale & Labadoodii Garab Oo Xalay Kulan Isku Horfadhiistay Iyo Muuse Biixi Oo Ku Gacan Saydhay Saddex Qodob Oo Ay Soo Bandhigeen

0
520

Picture7Hargeysa(Geeska)-Waxa xalay uu guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, kulan isku soo horfadhiisiyay laba ergo oo ay kala horkacayeen guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, halkaas oo lagu soo bandhigay aragtiyo sababay in la kala kaco.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali garabka Wasiir Samaale ayaa soo bandhigay saddex qodob oo ay guddoomiye Muuse Biixi ka dalbadeen hirgelintooda, mar haddii looga tanaasulay in lagula tartamo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE. Saddexdaas qodob ayaa sida ay ilo xogogaali sheegeen waxa ay kala yihiin:

Inaan shirweynaha wax lagaga bedelin xubnaha guddiga fulinta xisbiga ee xilligan

Inaan waxba laga bedelin hoggaanka xisbiga, gaar ahaan ku xigeenada

Inaan waxba laga bedelin xubnaha golaha dhexe, amaba ay intooda badani soo noqoto

Saddexdaas qodob oo ay garabka Wasiir Samaale wateen ayaa sida ay ilahaas xogogaalka ahi sheegeen uu gebi ahaantoodba Muuse Biixi ku gacaysaydhay, waxaana la sheegay inuu ku dooday inaanu fulintooda awood u lahayn balse ay tahay arrin u taala shirweynaha xisbiga. Waxaana la sheegay inuu ku adkaystay inaanu damaanad qaadi Karin, maadaama oo sida uu sheegay ay ka talinteedu u taalo shirweynaha.

Qodobo kale ayaa sida la sheegay uu Muuse Biixi aqbalay kuwaas oo ay ka mid tahay in Wasiir Samaale lagu daro guddiga fulinta ee xisbiga iyo inaan la kala dirin guddigii qaban qaabada shirweynaha xisbiga KULMIYE.

Hase yeeshe, waxa sida uu warku sheegay shirkii lagu kala kacay iyadoo uu Muuse Biixi si weyn uga cadhooday saddexdaas qodob oo uu sheegay inaanay ahayn kuwo sharci ah. Waxaana shirkaas lagu kala dareeray iyadoon wax natiijo ah laga gaadhin qodobadan oo kiciyay xaraaradii kulanka.

Arrintan ayaa mar kale dib u soo noolaynaysa khilaafkii xisbiga KULMIYE ee lagu xaliyay tallo ka timid Beesha uu Madaxweyne Siilaanyo ka dhashay, taladaas oo ahayd inaan Muuse Biixi lagula tartamin guddoomiyenimada xisbiga, marka la gaadho shirweynaha xisbiga.

Kulanka waxa goob joog ka ahaa oo dhinaca dhexdhexaadinta fadhiyay guddoomiyaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, wasiirka duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo xildhibaan Cali Maxamed Xasan. Dhinaca Wasiir Samaale, waxa weheliyay wasiirada hawlaha guud, cadaalada, xanaanada xoolaha iyo xildhibaan Cabdillaahi Balaaki. Halka dhinaca Muuse Biixi ay la socdeen guddoomiye xigeenka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka ganacsiga Maxamed Cabdillaahi, Xoghayaha Guud Xasan Siciid Yuusuf iyo Md. Maxamed Cabdillaahi Cabsiiye.