Goorma Ayaa Uu Dhabar Xanuunku Gaadhaa Heer Uu U Baahan Yahay In Dhakhtar Takhasus Ah La Tuso

0
604

fffffffffffffBerlin (Geeska)- Maxadka tayada iyo hufnaanta dhaqaale ee waaxda caafimaadka dalka Jarmalka ayaa sheegtay in xanuunka laga dareemo dhabarka qaybtiisa hoose ay u badan tahay in ay ku timaaddo daal iyo tacab badan oo uu qofku soo maray, qaab fadhi qaladan oo uu muddo laasimay, waxa aanay u dhowdahay in ay maalmo ama toddobaaddo gudahood ku bogsado, laakiin haddii xanuunku uu sii socdo muddo ka badan 12 toddobaad waxaa qasab noqonaysai n dhakhtar lala tashado.

Khubaradu waxa ay sheegeen in dhabar xanuunka joogtada ahi uu noqon karo mid ku yimid sababo aan ahayn tacabkaas, tuusaale ahaan ricidhaha laf dhabarta oo lisma, ama xanuunka lafaha burburiya oo qofka haya, sidoo kale dhabar xanuunka waxaa keeni kara xaaladaha nafsiga ah sida sakatiga, isku buuqa, niyad-jabka iyo diiqadda.

Dhinaa kalana waxa ay khubaradu sheegeen haddii xanuunku uu ku fido illaa dhudhumada lugaha  ama uu qofku dareemo sida in irbad lagu mud-mudayo ama in dhabarka iyo lugta uu mararka qaar dareenka ka waayayo ama saluugayo ama uu gariir dareemo iyo haddii mushkilad dhinaca kaadida ahi jirto in uu sida ugu dhaqsaha badan dhakhtar ula tashado. Sidoo kale haddii uu qofku uu si kedis ah bilaa sabab miisaankiisu hoos ugu dhaco ama dhabar xanuunku ku sii bato marka uu jiifasado waxaa fiican in uu dhakhtarka la tashado.

Khubaradu waxa ay sheegeen in qofka dhabarku xanuunaa inta uu baxnaanada ku jiro ay fiican tahay in marka uu jiifsanayo uu lugaha saaro barkimo ama meel aad u dheer oo xitaa bawdyuhu kor u kacayaan lugtuna kacayso xagal illaa 90 digrii ah.