Markis Lagu Baran Doono Xifdiga Quraanka Iyo Barashada Culuumtiisa Oo Hargeysa Laga Furay

0
677

Hargeysa (Geeska)-Markiska Daaru Al- Najax oo ah Markis lugu baran doono xifdiga Quraanka iyo shareecada Islaamka ayaa laga furay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa 

mmmmmmmmmmmmm

Markiskan oo lagu baran doono shareecada Islaamka  ayaa waxa  furitaankiisa ka soo qayb galay Masuuliyiinta Markiskan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada, Agaasimaha Waxbarashada gaarka loo leeyahay ee Wasaaradda Waxbarashada,Isuduwaha Wasaaradda Diinta  iyo Awqaafta ee Maroodi-jeex,  Arday, Waalidiin iyo Martisharaf tiro badan.

Maamulaha Guud ee Markiska Daaru Najax Sheekh Axmed Cabdi salaan Aadan (Sh.Axmed Iid) oo ugu horeyn munaasibadii furitaanka ka hadlay ayaa waxa uu ka sheekeeyay Faa’iidada uu markiskan u yeelan doono Bulshada reer Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaan  fadhinaa barxadan Barakaysan, Markiskan wax inoo hir galiyeey dad ehlu cibaado ah oo aan u mahad-naqayno oo sida quruxda badan ee la inoogu dhisay maalkoogii ugu soo deeqay iyagoon ina aqoon iyagoon ina arag,  Markiskan waxa uu noqon doonaa meel lagu barto xifdiga qur’aanka Kariimka ah iyo tarbiyaadka Diinteena Suuban. .

Waxa kale oo inoo racsan qaybtii shareecada islaamka oo Wasaarada Waxbarashaduna inoo ogolaatay oo ardayga ka baxa markiskeenan uu la fadhiisan doono jaamacadaha dalka qaybahooga Shareecada islaamka.” .

Agaasimaha Waxbarashada gaarka loo leeyahay ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Muuse Maxamed Shide oo isna halkaas ka hadlay ayaa  bogaadiyeey maamulka markiska Daaru-Najax waxaana uu yidhi “ Dhismahaa weyn ee quruxda badan ee aynu maanta hoos fadhino waxa lagu baranayaa wixii ALLE lagu caabudi lahaa, umada markiskan iyo masjidkan ka dhex dhisan yihiin wajibaad baladhan ayaa saran.

Nasiib wanaag ayey  u tahay bulshada la jaartay labadan gobood ee barakaysan waana waajib ina saran in aan ilaalinaa oo aynu dayac tirnaa, sidoo kale  waxa uu ardayda wax ka barata kula dardaarmay in ay ka faa’iidaysataan goobtan sida casriga ah loogu bineeyey waxana uu yidhi “ Ardaydan waxaan leeyahay waa in aad ka faa’iidaysataan gooban barakaysan ee isu kiin dul saran”. Isuduwaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee gobolka Maroodi Jeex Sheekh Maxamed Ibraahin Jaamac oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa waxa uu yidhi “Waxaan joognaa madal aad u qurux badan oo si fiican loo soo agaasimay madashan waxa inagu caawiyeey walaalaheen oo aan dalka inala joogin,  waa hubaal in ay ajarkeeda heli doonaan, sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa  dadka gacanta ku  haya oo aan leeyahay ALLE Waa idinka abaal marin Doonaa ee hawsha halkaa ka wada.

 Maxamed Aadan oo ku hadlaayey afka waalidiinta iyo odayaasha xaafad ayaa yidhi “Waanu u mahadnaqaynaa dadkan inagu soo caawiyeey iyo dadka gacanta ku haya  Markiskan Barakaysan”

Gabagabdii waxa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyeey arday goobtaasi qur’aan iyo anaashid ka akhriday".