Googooska Maanta Iyo Duruusta Waayaha

0
902

– Waxa uu Waayuhu I baray, in aan dhegeysto qof kasta aragtidiisa, waajibna aanan u arag in aan ku qanco.

– Waxa uu Waayuhu I baray, in oohintu nafta raaxo geliso, nafsaddana ka fududayso culayska, laakiin aan iska jiro in ilmadayda ay aragto cid iin ka dhigi kartaa.

– Waxa uu Waayuhu I baray, in aanan ku talax tegin farxadda iyo murugada midna, waayo duruufaha adduun waa ay isu beddelaan sida hadhka, qofna ma oga waxa ku soo maqan.

– Waxa uu waayuhu i baray, in haddii caqligu hadli waayo, ay buuq iyo muran kaalintiisa buuxiyaan.

– Waxa uu waayuhu i baray, in aan qaado masuuliyadda culays kasta oo ay leedahay, waase haddii ay tahay mid doonistayda iyo xorriyaddayda ku soconaysa.

– Waxa uu waayuhu i baray, in sharafta iyo karaamadu ay tahay; in aan noqda sida xiddigta waqtigeeda iyo cimrigeeda oo dhan u hurta in ay dadka u iftiint iyada oo aan mahadsanid iyo abaal midna kaga doonayn.