Dhallinyaro Iyo Haween Banaan Bax Ka Dhan Ah Xukunka Nadra La Hortagay Downing Street

0
580

 

nadraLondon(Geeska)-Haween iyo dhallinyaro reer Somaliland ah ayaa Axadii doraad, mudaharaad cabasho ah la hortagay xafiiska Raysalwasaaraha Ingiriiska ee loo yaqaano Downing street, kaas oo ay ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin xukunka 8 bilood ah ee ay maxkamadda gobalka Hargeysa ku riday Nadra Maxamed Jaamac, oo lagu eedeeyay inay farriin aflagaado ah u dirtay wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Haweenkan iyo dhallinyaradan oo sitay boodhadh ay ku sawiranyihiin Wasiir Xirsi iyo Nadra, waxa ay halku dheg uga dhigeen  One SMS , 8 Months in prison , No human rights in Somaliland, waxaanay dalbanayeen in xorriyadeeda loo soo celiyo Nadra, iyagoo ku dhawaaqayay ereyo ay dawladda Ingiriiska kaga dalbanayeen inay xukuumadda Somaliland cadaadis ku saarto in gabadhaas loo soo celiyo xorriyadeeda.

Waxa kale oo banaanbaxan ku wehelinayey dadkaas reer Somaliland saddex  Hay’adood oo la sheegay inay u doodaan   Xuquuqal Insaanka oo fadhigoodu yahay London,warqadna u dhiibey xafiiska raysal wasaraha ingiriska David Cameron, taas oo ay sheegeen inay xambaarsayd dhambaal la xadhiidha ujeedada dibad baxooda.

Maxkamadda gobalka Hargeysa, ayaa dhawaan Nadra Maxamed Jaamac, ku riday xukun 8 bilood ah, ka dib markii ay maxkamadu sheegtay inay Nadra qiratay inay farriin aflagaado ah u dirtay wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaana xukunkaas rafcaan ka qaatay xeer ilaalinta gobalka Hargeysa oo dacwadda ku soo oogtay Nadra Maxamed Jaamac.