Golaha Wakiilada Oo Durduro Ku Ansixiyay Guddiga Xuquuqal Insaanka Ee Qaranka

0
879

 

DSC09806Hargaysa(Geeska) Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay ansixiyay Komiishanka Xuquuqul Iinsaanka ee Somaliland oo ka kooban toddaba xubnood, isla markaana waxa loo qaybiyay xeerka amaanka  qaranka oo ka mid ahaa qodabada kal fadhigan 15-aad ee golaha wakiilada horyaala.

Fadhigan shalay ayaa waxa shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Jamuuriyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxaana soo xaadiray 50 xildhibaan. Intaasi kadib ayaa waxa uu gudoomiyuhu codsaday in la qaybiyo xeerka nabadgalyada qaranka si ay u soo akhristaan mudanayaasha golaha wakiiladu, xeerkan ayaa ka mida  xeerarka ugu muhiimsan ee horyaala golaha wakiilada kalfadhigan 15-aad.

Intaasi kadib waxa uu gudoomiye Samaale codsaday  in golaha la horkeeno todabda xubnood ee Komiishanka Xuquuqul Iinsaanka ee uu madaxwaynahu soo magacaabay, waxaana golaha hortiisa laga akhriyay xubinkasta iyo Heerarkeedii waxbarsho iyo shaqo, intaasi kab waxa uu gudoomiyahu sheegay in mid mid loogu codayn doono xubnaha Komiishanka Xuquuqul Xinsaanka, waxaana xubin kasta oo kamid ahayd todabadaas xubnood u codeeyay 49 xildhibaan, cid diiday majirin, cidna kama ay aamusin, gudoomiyahuna muu codaynin. Sidaasi ayaanay ku ansaxeen todabadii xubnood ee uu ka koobanaa Komiishanka Xuquuqul Iinsaanka ee Somaliland kuwaas oo uu madaxwayne Axmed Siilaanyo soo magacaabay.

Xubnahan Komiishanka Xuquuqal Iinsaalka ee Somaliland ayaa ee shalay uun la ansixiyay ayaa ah kuwo laga filaayo inay hoos u dhigaan tacadiyada badan ee ku dhaca haweenka,dhalaanka iyo dadka ay wax yeelooyinka kale.