Dagaalka Liibiya Oo Shalay Galay Maalintii 100aad Iyo Waaran Loo Jaray Col.qadaafi

0
831

 

 

qadaafiHargeysa(Geeska)-Dagaalka iyo duqaymaha ay wadamada reer galbeedku ku hayaan dalka Liibiya ayaa shalay galay maalintii 100aad, waxaanay tiradani buuxsantay iyadoo aan dhinacna weli dhulka dhigin.

Madaxweyne Qadaafi iyo ciidamadiisa ayaa waxa weeraro joogto ah ku haya diyaaradaha isbahaysiga NATO, dhinaca kalena waxa weeraro kaga haya mucaaradkiisa hubaysan.

Dalal badan ayaa aaminsan in isbahaysiga NATO ay baro dhaafiyeen qaraarkii golaha ammaanka oo nuxurkiisu ahaa in la xayiro dhaqdhaqaaqa diyaaradeed ee Col. Qadaafi balse hadda loo bedelay duqaymo mararka qaar isaga si toos ah loola beegsanayo.

Dhinaca kale maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ayaa shalay waaran qabasho ah u jartay Madaxweyne Qadaafi iyo wiilkiisa Seef Al-Islaam iyo weliba masuuliyiin kale oo dawladiisa ka tirsan. Warkan oo ah mid ay kooxaha hubaysan ee Col. Qadaafi ka soo horjeedaa aad u soo dhaweeyeen ayaa sii dhabqin doona xaaladda Liibiya, maadaama oo ay maxkamadu ku eedaynayso inuu galay dambiyo dagaal.

Si kastaba ha ahaate, inkastoo uu dagaalka Liibiya socday muddo 3 bilood iyo dheeraad ah, haddana wuxuu u muuqdaa inaanu weli dhammaadkiisii dhawayn. Qadaafi wuxuu filayay inuu mucaaradkiisa si fudud u jebiyo, reer galbeedkuna waxay filayeen in Qadaafi is dhiibo maadama la saaray culays milatari iyo mid diblomaasiyadeed, laakiin midna ma hirgelin.